kooxda xagaagan wuxuuna door biday in uu sii joogo kooxdiisa uu kusoo barbaaray ee Realsoiedad.
Wiilkan ku soo guulaystay koobkii Euroda ayaa bartilmaadka ugu sareeya u ahaa tababare Arne Slot oo ku tashanayey in uu ka dhigto saxiixiisa ugu horeeyey ee uu ku soo xoojisto kooxdiisa
Kana soo af duubto kooxda uu ilaa yaraantiisii joogay ee Realsoiedad laakiin taasi waxa ay u muuqataa in ay soodhamaatay laacibkan ayaa u sheegay in aanu meelna u socon sidii uu horeba u diiday Arsenal iyo Bayern München.
Waxaa la rumaysan yahay in maamulka kooxda Realsoiedad iyo Tababaraheedu ku qanciyeen in siijoogo kooxda.
Waxa kaloo la fahansan yahay in tababaruhu dhawr jeer kulamo la qaatay laacibkan kuna riixay qalbigiisa sida ay taageerayaasha kooxdiisu uga niyad jabi doonaan hadii uu kooxda ka tago
Iyo sida wanaagsan ee noloshiisu ugu jirto San Sebastian.
Liverpool waxa ay diyaar la ahayd in ay bixiso lacagta lagu burburinkaro qandaraaskiisa iyo waliba mushahar qaali ah si uu ugu soo guuro England laakiin 25 jirkani ma jeclaysan in uu ka tago kooxdiisa.
Agaasimaha cusub ee Liverpool Hughes ayaa la sheegay in uu ka cadhooday arinkan maadaama uu Zubimendi u balan qaaday in kasoo dagi doono Anfield hawshiisana la galo.
Liverpool ayaan meesha ka saarin in ay lasoo saxiixanayso no 6 xagaagan lakkin waxay u
muuqataa in waqtigu gabaabsi ku yahay wayna adagtahay in kooxuhu fasaxaan maalmaha ugu danbeeya ee suuqa kala iibsiga ciyaartoydooda ugu muhiimsan.