Realmadrid oo ku Guulaysatay EufaSuper Cup

 


Realmadrid ayaa ku guulaysatay koobkeedii 1aad ee xiliciyaareedkan waxayna koobkii Eufa super Cup ka qaadeen kooxda rer talyaani ee Atalanta.

Ciyaartan oo sanadkan xiiso gooni ah lahayd maadaama Realmadrid uu u ciyaarayey Kylian Mbappe oo xagaagan si bilaash ah ugaga soo wareeg kooxda rer France ee Paris Saint-Germain lagu qiimaynayey kulankan oo aanu si fiican ugu diyaar garoobin.

Kylian Mbappe oo ay Realmadrid daba socotay mudo todoba sano ah ayaa riyadiisii u rumowday  wuxuuna kulan kiisii koowaad daqiiqadii 68aad u dhaliyey kooxdiisa cusub 

goolka labaad ee ciyaartan kadib goolkii koowaad ee uu ciyaarta ku daah furay Federico Valverde daqiiqadii 59aad waana goolkiisii koobaad ee uu Realmadrid u dhaliyo.

Sidoo kale wuxuu kula guulaystay koobkiisii koobaad isla kulankiisii koobaad in kastoo aad moodaysay in aanu wali kooxda si fiican ula qabsanin maadaama uu usbuucyo ka hor ku soo biiray.

25 jirkan ayaa la siiyey fasax kooban kadib koobkii Euroda ee uu matalayey dalkiisa France wuxuuna mufo kooban kooxda la qaadanayey tababar iyo jidh dhis adag.

Sidaas oo ay tahay hadana waxa uu u muuqaday xidigan heerka caalami in uu wada shaqayn joogto ah la sameynayey Jude Bellingham iyo Vinicius Junior  oo ka kala ciyaarayey khadka dhexe ee kubad sameeyaha ah iyo garabka bidix ee weerarka waa sida ay ukala horeeyaane.

Jude Bellingham wuxa uu ku dadaalayey in Kylian Mbappe uu ciyaartan gool ka dhaliyo ilaa ugu danbeyn kubad ay kasoo wada shaqeeyeen Vinicius Junior uu Bellingham meel fiican u dhigay Mbappe oo isaguna shabaqa ku hubsaday .

Ugu danbayntii dhamaa  bahda Sports ka  waxa ay aad u amaanayaan Kylian Mbappe oo kula bilowday kooxdiisa cusub koobkan iyo waliba wada shaqaynta dhex mari doonta Mbappe iyo asxaabtiisa cusub.





Post a Comment

Previous Post Next Post