Liverpool oo guul ku bilaabatay Premier league

 


Liverpool ayaa guul ku bilaabatay furitaanka horyaalka ingiriiska waxayna 0-2 kaga soo adkaadeen kooxda heerka labaad kasoo dalacday ee Ipswich town.

Badi taageerayaasha kooxda liverpool  waxa ay sugi la aayeen kulankan waxayna rabeen in ay arkaan waxa uu tababaraha kooxdoodu ka sameynkaro kulanka furitaanka.

Kulankan oo ahaa midkii ugu horeeyey ee ay Liverpool guulaysato kulan furitaan qarnigan aynu ku jirno ayaa xiiso gooni ah u lahaa taageerayaasha koodaas.

Kooxda martida loo ahaa waxa ay soo bandhigtay ciyaar cajiib ahayd qaybtii hore ee ciyaarta waxa ayna qatar joogto ah ku ahayd goolka uu waardiyaha ka ahaa Alison Becker

Qaybtii hore ee ciyaarta Liverpool waxa ay gaadhay goolka kooxda kasoo horjeeday halmar oo kali ah taas oo layaab ku noqotay taageerayaasha kooxda.

Laakiin is badal geddeg ah oo uu tababare Arne Slot  sameeyey  daqiiqadii 45aad ayaa badalay ciyaarta waxa uu bedelay Jarell Quansah waxa uu soo galiyey Ibrahima Konate.

Tani waxa ay cadayn u tahay in tababarahina aanu ogolaan doonin in uu ciyaarta kusii hayo ciyaartoyda qaladaadka sameysa.

Dhamaadkii ciyaarta oo la waydiiyey tababare Arne Slot  sababta uu usameeyey belka xiri hore waxa uu ku jawaabay Quansah waxa uu 

ku guul daraystay dhamaan isku dayadii uu sameeyey waxaana qasab nagu noqotay in aanu celino kubadaha tuuryada dheer ay sameynaysay kooxda naga soo hor jeeday 

Waana arin ay aad ugu riyaaqeen taageerayaasha kooxdu oo aamin san in arinkani keeni doono in ciyaartoy kastaaba yareeyo qaladaadka uu sameynayo.

Liverpool waxaa aad loogu dhaliilayey in aanay wax ciyaartoy ah lasoo saxiixan xagaagan lagamana filayo in ay taasi dhici doonto mudada gaaban ee ka hadhay xidhitaanka suuqa kala iibsiga.

Dhanka kale Mo Salah ayaa isna sii wata rikoodhkiisa cajiibka ah wuxuun ciyaartan dhaliyey gool halka uu goolka klena caawiye ka ahaa sidaana waxa uu ku noqday ciyaaryahankii 

Ugu horeeyeyabid kulamada furitaanka Premier league u dhaliya kooxdiisa Sagaal gool.


Post a Comment

Previous Post Next Post