Manchester city ayaa iyaduna ku bilaabatay kulankeedii furitaanka Premier league guul ay kasoo gaadhay kooxda Chelsea oo ay kaga soo guulaysteen 0-2.
Cityzens waxa ku filaaday laba gool oo ay kala daliyeen labadii qaybood ee ciyaarta Eling Haaland daqiiqadii 18aad iyo Mateo Kovacic daqiiqadii 84aad.
Waxaana rikoodh wanaagsan looga diiwaan galiyey Eling Haaland oo gool u dhaliyey kooxdiisa kana dhigan in kulanka furitaanka kooxdiisa uu udhaliyey goolala sadexdii xiliciyareed ee uu joogay.
Kulankan waxa qiimayn lagu sameynayey kooxda Chelsea iyo Tababaraheeda cusub ee Enzo Maresca maadaama kooxdu xiliciyareedyadii ugu danbeeyey xaaladeedu qasnayd.
Waxaana muuqata in kooxdu wali u baahan tahay in laga saaro isku qasnaanta dhexdooda ah iyo in la yareeyo tirada ciyaartoyda ay haystaan oo macalin kasta madax xanuun ku rida.
Tababare Enzo Maresca ayaa ugu danbeyn soo xushay safkiisa uu kaga hortagaayey City ka dib mudo uu ku wareersanaa sida uu 43 ciyaartoy uga soo xulan lahaa 11 safka koobaad u noqda iyo sagaal uu kaydka soo fadhiisisto.
Waxa uu gabi ahaanba kasoo tagey Raheem Sterling oo laf dhabar u ahaan jiray Manchester city ka hor ku biiritaankiisa Chelsea.
Sidoo kale waxa uu kabtan nimada gacanta u galiyey Enzo Fernández oo dhawaan soo gaaqay heees uu ku cunsuriyeynaayey sxbkiisa rer France ee ay isku kooxda yihiin.
Dhanka kale Tababare Pep Guardiola oo nasiyey dhawr ciyaartoy oo safkiisa koowaad ah ayaa ku raaxaystay in kooxdiisu guul muhiim u ah gaadhaan.
Waxayna u ahayd markii koowaad ee ay ciyaar Premier league ay ku soo ciyaareen meel ka baxsan garoonkooda iyada oo aanu u ciyaareyn Rodri ay soo guulaystaan.
Waxaana ugu danbeysay in ay sidaasi dhacdo bishii Februari 2022 kulan ay la ciyaareen kooxda Norwich.
Waxa kaloo Cityzens loo diiwaan galiyey in ay noqdeen kooxdii ugu horeysey ee taarikhda Premier league ku guulaysata Toban kulan oo xidhiidh ah oo ay dhaliyeen labo gool iyo ka badan.