Kooxda boqorada ee Realmadrid ayaa barbar dhac niyad jableh lasoo gashay kooxda Mallorca waxayna ku kala baxeen 1-1.
Kooxda Anceloti ayaa dadaal badan u samaysay sidii ay u guulaysan lahaayeen laakiin ma aysan awoodin in ay dhaliyaan wax ka badan hal gool waxaana daqiiqadii 13aad u dhaliyey Rosrygo.
Balse ciyaarta uguma aysan raaxaysanin sida ay filayeen waxaana lasoo bareejeeyey qaybtii labaad ee ciyaarta waxaana gool madax ah ka dhaliyey daqiiqadii 53aad Muriqi.
Intaas ka dibna Realmadrid waxa ay samaysay isku dayo badan si ay gool labaad ula yimaadaan laakiin uma suurto galin ciyaartiina waxay ku dhamaatay barbar dhac.
Markii ay ciyaartu dhamaatay ciyaartoyda Realmadrid waxa ay u muuqdeen kuwo niyad jabsan sidii in laga badiyey oo kale lana yaaban natiijada barbardhaca ah ee ciyaarta.
Dhanka kale waxa ay maalin xun u ahayd Kylian Mbappe oo doonayey in uu kulankiisa koowaad ee horyaalak Spain ku furto akoonkiisa goolasha.
Kabtanka xulka France waxa uu sameeyey isku dayo dhawr ah lakin ma awoodin in uu kubada shabaqa soo taabsiiyo.
Kylian Mbappe oo dhawr mar ku guulaystay kabta dahabka ee horyaalka France ayaa rajo wayn ka qaba in uu ku guulaysan doono kabta dahabka ah ee horyaalka Spain sanadkan.
Si kastaba waxa uu dadaal u gali doonaa sidii uu uga midho dhalin lahaa hamigiisa iyo riyadiisii caruurnimo.
Daafaca bidix ee Realmadrid waa Ferland Mendy ayaa dhamaadkii ciyaarta qaatay casaan kadib qalad uu sameeyey.