Manchester city uma ahayn xiliciyareed wanaagsan waxaana ka muuqda isku qasnaan badan iyo niyadjab weyn oo xaga tababare Pep Guardiola ah
Waxa kulankii xalay uu u ahaa mid ay ku qasbanayd in ay badiyaan hadii kalena ay macasalaameyn lahaayeen
Koobka Europe ugu qiimaha badan ee Champignons league oo ay la ciyaarayeen kooxda Club Brugge
Qaybtii hore ee ciyaarta waxaa ka muuqatay macalin Pep Guardiola murugo iyo adkaysi la aan badan taas oo ay u dheerayd cadho baahsan
Taas ayaana loogu sii daray in daqiiqadii 45aad gool uu ka dhaliyey Onyedika ciyaartana ka dhigay 0-1 Qaybtii horena waxa ay ku soo dhamaatay iyadoo Cityzens ay niyad jabsanyihiin
Qaybtii labaad ee ciyaarta waxa ay u muuqatay in aanay kooxda Pep Guardiola awoodi doonin in ay najiitadii ay rabeen kala bixi doonin garoonkooda in kastoo gool laga diiday
Laakiin waxa ay nafiseen daqiiqadii 53aad oo Kovacic uu gool quruxbadan ugu barbareeyey ciyaartana ka dhigay 1-1 isku dayo badan kadib hada waxa gool iska dhaliyey difaacyahanka kooxda Club Brugge najiitadana ubadalay 2-1
Ordonez daqiiqadii 62aad markaas ayey ciyaartoyda Manchester city dadaal badan ku bixiyeen in aan la barbareyn waxaana daqiiqadii 77aad ay la yimaadeen goolka sadexaad 3-1 waxana u dhaliyey Savinho
Sidaas ayeya ku soo badbaadeen balse waxa la ogaan doonaa sida ay qaybta labaad ee Champignons league isku badbaadin lahaayeen
Waxa mararka qaar adag in la fahmo macalimiinta qaar in la fahmo tusaale ahaan kooxda Manchester city waxa ay amaah ku dirtay Keyle Walker oo difaaca midig uga ciyaarijiray
Waxa ay difaaca midig geysteen Nunez oo dhex ka ciyaara