Phil Forden ayaa ku guulaystay xigida ugu wanaagsanaa horyaalka ingiriiska ee Premier league markiisii ugu horeysay.
Forden oo soo qaatay xili ciyaareedkiisii ugu wanaagsanaa kana caawiyey kooxdiisa Manchester city inay ku guu laysato horyaalka ingiriiska mirkii afraad oo xidhiidh ah
Una soo dhaliyey kooxdiisa goolal aad muhiim ugu ahaa xiligii ay ugu baahida badnaayeen ayaa dadaalkiisii ku helay in uu noqdo xigiga ugu wanaagsan horyaalka ingiriiska.
Xigigan rer Manchester city ayaa usoo dhaliyey kooxdiisa 19 gool iyo sideed caawimo waxaana ka mid ahaa labadii gool ee uu kulankii ugu danbeeyey ka dhaliyey Westham kuna hantiyeen horyaalkooda.
Forden oo ka hadlay abaal marinta uu helay ayaa sheegay in ay wax gaar ah u tahay isaga uuna aad ugu han waynaa wuxuuna uga mahad celiyey qofkasta oo isaga ucodeeyey.
Waxa kale oo uu yidhi xiliciyaareedkii hore waxa uu noo ahaa mid cajiib ah qofkasta oo jooga City laakiin hada waxa aanu diiradayada oodhan saaraynaa sidii aanu u gaadhi lahayn guulo kale oo badan.
Phil Forden oo hore labo jeer ugu soo guulaystay da yarkii ugu fiicnaa ayaa haatan sharaftaas kala wareegay saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin ee Eling Haaland