Waxaa lasoo saaray liiska Teamkii ugu fiicnaa horyaalka ingiriiska ee xiliciyaareedkii hore waxaana ku soo baxay 11 ciyaartoy oo u badan labadii kooxood ee kaalinta koowaad iyo labaad kala galay
Afar ciyaartoy waxaa laga soo xulay kooxda Manchester city halka shan kalena laga soo xulay kooxda Arsenal
Waxaana kaliya lagu soo dhex galay laba ciyaartoy oo aan ka tirsanayn kooxaha Manchester city iyo Arsenal waxayna kala yihiin Virgil Vandijk oo Liverpool ah iyo Olie Watkins oo Astonvilla ah.
Waxaana hadal haynta ugu badani ka timi laacibkii ugu saamaynta badnaa Arsenal ee Bukayo Saka oo gabi ahaanba aan lagu soo darin kooxdaan ugu fiicnayd horyaalka ingiriiska.
Taageerayaasha Arsenal iyo kuwa kubada xiiseeya ayaa ay amakaag ku noqotay in Saka laga waayo liiskan
Iyadoo lawada ogaa sida uu muhiimka ugu ahaa kooxda tababare Micheal Arteta oo xataa dhaawac ku ciyaarsiin jirtay laacibkan garabka midig uga ciyaara.
Sidoo kale waxa taageerayaasha Chelsea ay la yaabeen sababta laacibkooda Cole Palmar oo ku guulaystay abaalmarinka da yarkii ugu fiicnaa isagana looga reebay
Waxa ayna badi doodu ku doodayeen in ay ahayd in kabtanka Arsenal Martin Odegaard aan meesha lagu soo darin laguna badalo da ayrkooda Palmar.
Isku soo wada duuboo waxaa muuqata in Arsenal ku mutaysatay in ay ku yeeshaan shan ciyaartoy liiskan inay ahayd qaab ciyaareedkoodii cajiibka ahaa ee ay soo ban dhigeen ee ay kaga yaabsadeen dhamaan kooxihii ay la kulmeen.
Sawirka kore ayaad kaga bogan kartaa magacyada liiskan kusoo baxay.