IIKEY GUNDOGAN OO DIB UGU SOO LAABANAYA MANCHESTER CITY

 


IIkey Gundogan ayaa ka degey magaalada Manchester si uu wada xaajood ula bilaabo kooxdiisii hore ee Manchester city. 

Ciyaaryahankan khadka dhexe ayaa diyaar u ah in uu dib ugu biiro kooxda Pep Guardiola isagoo qarka u saaran in uu ka tago kooxdiisa haatan ee Barcelona oo hal xili ciyaareed kaliya uu joogay.

Gundogan ayaa Cityzens u saxiixi doona qandaraas hal sano ah isaga oo dookh u haysta hal sano oo kale.

Kulan ku dhaw saacad oo ay wada qaateen Gundogan iyo Pep Guardiola  ayaa lagaga wada hadlay  kusoo laabashadiisa kooxda waxayna u muuqataa in la isla meel dhigay oo uu ku soo laaban doono kooxda.

Barcelona waxa wali ay dhibane utahay dhaqaale xumo waxa ayna awoodi waayeen in ay diiwaan galiyaan ciyaartoygii ay dhawaan lasoo wareegeen ee Dani Olmo

Waxa ayna u arkaan in hadii ay Gundogan fasaxaan taasi u suuto galindoonto in ay diiwaan gashtaan Olmo sidoo kale ay hoos udhici doonto dhibaatada dhaqaale xumo ee kooxdu.

Sanadkii hore ayuu Gundogan ku biiray Barcelona oo uu u saxiixay qandaraas laba sano ah wuxuu u saftay 51 kulan wuxuuna u dhaliyey shangool.

Xiligaas waxa uu ka tagay kooxda Manchester city oo uu kabtan usoo noqday kulana guulaystay Sadexleydii koob ee ay sida cajiibka ah ku qaadeen.

Dhanka kale city ayaa ku farxidoonta in ay dib usoo ceshtaan Gundogan waxayna fursad dheeri ah u helidoonaan khadkooda dhexe

34 jirkaan oo uu si wayn u qiimeeyo Pep Guardiola ayaa sidoo kale ahaa saxiixiisii ugu horeey ee uu Manchester city keeno 2016.



Post a Comment

Previous Post Next Post