Kooxda Chelsea ayaa ka guulaysatay kooxda yar ee ka ciyaarta Swiss Super League laguna magacaabo Servette oo ay kaga soo adkaadeen 2-0 is reebreebka koobka Conference League.
Waxaana labada gool ukala dhaliyey qaybtii danbe ee ciyaarta Nkunku oo dhaliyey gool rigoore ah daqiiqadii 50aad iyo Madueke daqiiqadii 76aad
Waxa la arkayey tababaraha Chelsea Enzo Maresca oo aan wax dabaal deg ah samaynin labada gool ay dhaliyeen kooxdiisu midna.
Waxaana lagu sababeynayaa in aanu ku qancin bandhigii liitay ee kooxdiisa in kastoo ay badiyeen.
Enzo Maresca waa tababaraha Chelsea e waxa uu ogsoonaa in ay ka heer sareeyaan kooxda yar ee rer Swiss wuxuuna filaayey in aanay wax cadiis ah ku keeni karin kooxdiisa.
Qaladaad aad u badan ayey sameynayeen kooxdiisu waxaana ka mid ahaa weerar yahankiisa18 jirka ah Marc Guiu oo lumiyey sadex fursadood
Oo ay ugu muhiim sanayd tii uu ka boobay goolwadaha kooxda Servette Jeremy Frick hadana uu awoodi waayey in uu shabaqa oo faaruq ah dhexdhigo.
Dhacdadan ayaana ahayd tii ugu hadal haynta badnayd waxayna layaab ku noqotay taageerayaasha kooxda Chelsea.
Waxa ayna is weydiiyeen weerar yahan goolka oo cidlo ah dhin waayey sida uu kooxda u caawin karo kulama Premier league.
In kastoo waqtiga uu qasaariyey Guiu goolka kooxdiisu ay lahayd hal gool hadana waxa ay u noqon lahayd kulankiisii koowaad in uu dhaliyey goolkiisii koobaad.
Kooxdan yar ee rer Swiss waxa ay horyaalkooda kaga jirtaa kaalinta shanaad waxa ayna dedaal badan ku bixiyeen sidii ay Chelsea oo gurigeeda joogta gool uga dhalin lahaayeen laakiin uma suurtogalin.
Dhamaadkii ciyaarta waxa ay kooxda rer Swiss culays aad u badan saartay Difaacyahanada kooxda Chelsea waxa ayna sameeyeen isku dayo dhawr ah oo ay ku doonayeen gool.