Manchester united ayaa ay soo gaadhay guul daro xanuun badan waxaana 2-1 ku soo dubatay kooda Brighton.
Kulan oo ahaa kulankoodii labaad ee Premier league ayaanay kooxda Eric tenHaag kala soo laabanin wax natiijo ah iyadoo xiligii dhimashada laga dhaliyey goolka labaad.
Manchester united waxa ay u muuqatay in ay ahayd kooxda gacanta sare leh laakiin kooxda Fabian Hurzeler ayaa ay guushu raacday.
Qadiiqadii 32aad ayuu ciyaartoygiihore ee Reds Welbeck dhaliyey goolka furitaanka kooxda martida loo ahaa waxa ayna goolkaas ugu dabaal degeen si weyn qaybtii hore ee ciyaartuna waxa ay ku soo dhamaatay 1-0 ay Brighton leedahay.
Qaybtii labaad ee ciyaarta ayuu tababare Eric tenHaag Soo galiyey ciyaarta weerar yahankiisa Joshua Zirkzee isagoo bedelay Mason Mount oo
ka ciyaarayey booska tobnaad waxaana booskaas dib loogu soo celiyey Bruno Fernandes oo weerarka uga ciyaarayey Reds balse weeraryahankani waxa uu noqday kii u horseeday guul darada.
Reds waxa ay ku dadaalaysay in ay ciyaarta soo barbarayso waxaana taas u suurto galiyey laacibkeeda garabka midig Amad Diallo daqiiqadii 60 aad ciyaartana ka dhigay 1-1.
Kooxda TenHaag waxa ay ku dhawaatay in ay hogaanka ciyaarta u qabato balse goolkii ay dhaliyeen waa kaga diiday waxaana goolka kubad kisii socotay ay jilibkiisa sii taabatay Joshua Zirkzee oo offside ku jiray.
Ugu danbayntiina Kooxda Brighton ayaa niyada ka jabisay kooxda Manchester united waxa ayna goolka guusha ka dhaliyeen daqiiqadii 95aad oo uu gool madax ah ka dhaliyey Pedro.
Ciyaartiina waxa ay gusoo dhamaatah 2-1 taas oo ka dhigan in shan kulan oo uu Eric tenHaag ka hortagay Brighton kaliya uu ka badiyey Hal mar.