Manchester city oo si raaxo ah ku jiidhay Ipswich town

 


Manchester city ayaa guul raaxo leh kasoo gaadhay kooxda Ipswich town waxa ayna kusoo xasuuqeen 4-1 ay ukala dhaliyeen Eling Haaland sadexley dhaliyey iyo Kevin De Bruyne oo hal gool dhaliyey.

Kooxda Pep Guardiola waxa lagaga naxsaday gool daqiiqadii 7aad waxaana ka dhaliyey Sammie Szmodicks.

Laakiin waxbadan kuma aysan qaadanin in City ay lix daqiiqo gudeheed sadex gool ka daba keento  daqiiqadihii 12aad 14aad iyo 16aad 

Halka goolka afraadna ay dhaliyeed qaybtii labaad ee ciyaarta.

Kulankaan waxa laga diiwaan galiyey dhawr dhacdo oo ay ka mid tahay in Eling Haaland uu dhaliyey 66 gool isaga oo saftay 68 kulan 

Taasina waxa ay ku tusaysaa sida uu khatar joogto ah ugu yahay gool dhalinta.

Waxa kale oo laga diiwaan galiyey in Manchester city ay hogaanka u qabatay koohaha Premier league xaga sadexleyda waxa ayna dhaliyeen 42 sadexley 

Labaad iyo sadexaad waxa ku kala jira Liverpool 42 sadexley iyo Arsenal 41sadexley  

sidoo kale waxa laga diiwaan galiyey in Haaland uu barbareeyey Roney oo uu haatan leeyahay Todoba sadexley

Waxaana la filayaa in uu dhaafi doono isla xili ciyaareedkan hada bilawday.

Filaaqeeyeyaal badan ayaa ku doodaya in sanadkana uu Eling Haaland dhin doono goolala badan iyadoo qaarkood ay leeyihiin wuxuuba qaadi doonaa gool dhalinta P L ee sanadkan.

Dhanka kale kooxda Ipswich si fiican looguma soo dhaweynin Premier league  waxaana la isugu xejiyey Liverpool iyo Manchester city. 

Post a Comment

Previous Post Next Post