Kooxda Arsenal ayaa ka aarsatay Astonvilla oo gurigeeda joogtay ciyaar lagu tilmaamay in ay ahayd imtixaan adag oo loo diray kooxda Arteta waxa ayna ku garaaceen 0-2.
Ciyaartan oo ahayd midkamida kuwa ugu xiisaha badan ee usbuucaan dhacayey ayaa il gaar ah lagu hayey kooxda Arsenal maadaama kooxda Astonvilla loo aanaynayo in ay sabab u ahayd in Arsenal weydo horyaalka England xiliciyareedkii hore.
Waxa ayna garaaceen labadii lugoodba taasina waxa ay u sahashay in Manchester city ku guulaysato horyaalkoodii afraad oo xidhiidh ah
Qaybtii hore ee ciyaarta labada kooxood midna uma suurto galin in ay gool la timaado sidaas ayaana lagu kala nastay.
Qaybtii labaad ayey labada kooxood dedaalbadan sameeyen si ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan iyadoo tababare Micheal Arteta uu bedel kusoo galiyey wiilka guusha ku hogaamiyey ee Leandro Trossard
Daqiiqadii 65aad isla laba daqiiqadood gudohoodna waxa uu ku dhaliyey gool daqiiqadii 67aad waxaana la arkayey isag oon dabaal degaynin tusayana macalinkiisa sida uu uga xunyahay in kaydka lagu hayo
Goolkaas oo ciyaarta waji kale u yeelay waxaana Arsenal u suurto gashay in ay gool kale la yimaadaan daqiiqadii 77aad waxaana u dhaliyey Thomas Partey ciyaartiina sidaas ayeh ku soo gebo gebowday.
Waxa xusid mudan in goolwadaha Arsenal David Raya uu badbaadiyey kooxda kulankan xaasaasiga ah wuxuuna ku suntanaa guusha ciyaartan
Sidoo kale Bukayo Saka ayaa ay u ahayd habeen farxadeed wuxuuna gaadhay Boqol guulood oo Premier league ah