Kooxda Chelsea ayaa si xun u soo xasuuqday dhigooda Wolves oo gurigeeda joogtay waxa ayna kaga soo takhaluseen 2-6.
Kooxda Enzo Maresca ayaa dhaleecayn xoogan kala kulantay kulankoodii furitaanaka oo ay gurigooda ku qaabileen Manchester city
Laakiin maanta waxa ay iska yareeyeen culeyskii badnaa ee ka haystay xaga taageerayaashooda.
Qaybtii hore ee ciyaarta Blues ayaa laba jeer ciyaarta hogaanka u qabatay balse waa la soo barbareeyey walibana kooxda Wolves waxaa laga diiday gool.
Markii laga soo noqday xiliga nasashada Chelsea waxa u furmay wado ay ku dhaliyeen afargool oo kale in kastoo markale kooxda Wolves laga diiday gool kale.
Ciyaartan waxa ay xusuustiisa ku qornaan doontaa laacibka rer England ee Noni Madueke oo sadexley dhaliyey uu dhamaantood caawiye ka ahaa Cole Palmar.
Sadexda gool ee Madueke uu dhaliyey waxay iskaga mid ahaayeen in isla hal meel si isku mid ah looga baasay.
Waxa ayna taageerayaasha kooxda Chelsea bilaabee in ay baraha bulshada iskula wadaagaan qoraalo ay ku doonayaan in laacibkan kooda lagu sii hayo
Laacibkan hore ugu soo ciyaaray kooxda PSV Eindhoven ayaa soo ban dhigay kulankii City qaab ciyaareed liita halka maanta uu is muujiyey
Mar wax laga waydiiyey sadexley dii baas ee Cole Palmar waxa uu ku jawaabay isagu waa qabow ana waxa aan ahay dab.
Dhanka kale waxa ay u ahayd kooda Wolves maalin ay tahay in ay iska ilowdo