Liverpool oo Brentford kasoo talaabsatay iyadoo Arne Slot na Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Anfield

 


Liverpool ayaa soo jiidhay dhigooda Brentford oo ku soo booqatay gurigooda kulan xiiso badnaa waxa ayna ku muquuniyeen 2-0 

Kooxda Arne Slot waxa ay tababarahooda ku soo dhaweeyeen guul kulankiisii koowaad ee uu kasoo hor muuqdo taageerayaasha kooxdiisa. 

Sidoo kale taageerayaasha kooxdiisa ayaa soo dhaweyn diiran u muujiyey iyagoo ku heesayey magaciisa farxad iyo dhoolo cadayn ayaana laga dheehan karaayey wajigiisa.

Liverpool waxa ay soo bandhigeen ciyaar cajiib ahayd oo ay taageerayaashu jeclaysteen iyadoo uu ka muuqday is fahan badan.

Luis Diaz ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 13 aad  weerar degeg ahaa oo ay jaanta isla heleen Diogo Jota oo meel fiican u dhigay kubada.

Qaybtii hore ee ciyaartana waxaa lagu kala nastay halkaa gool.

Qaybtii labaad ee ciyaarta koox waliba waxa ay sii balaadhisay dedaalkeeda Liverpool ayaa se u muuqatay mid tamar badan 

Waxa ayna khatar joogto ah ku ahaayeen goolka uu waardiyaha ka yahay Mark Flekken oo ka beeniyey dhawr fursadood  oo dahabi ahaa.

Kooxda Thomas Frank ayey fursad dahabi ahi soo martay oo ay ciyaarta ku bareejeyn karaayeen laakiin ka beeniyey gool wadaha Reds ee Alison Becker. 

Intaas ka dib ciyaartoyda Liverpool ayaa jaanta isla helay waxa ayna la yimaadeen goolka labaad oo si quruxbadan looga soo shaqeeyey 

waxaana si habsami leh shabaqa u dhex dhigay Mo Salah  daqiiqadii 70aad waxaana la arkayey tababare Arne Slot oo dabaal degaya.

Waxyaabaha ciyaarta laga diiwaan galiyey waxa ka mid ah

1- Arne Slot waxa uu niqday tababarihii ugu horeeyey ee in tii ka danbaysay 1991kii ku guulaysta labadiisa kulan ee ugu horeeyey

2- Trent-Alexander Arnold  oo aad uga xanaaqay bedelkii lagu sameeyey 

3.Salah oo shan gool ka dhaliyey Brentford  afartii kulan ee ugu danbeysay 




Post a Comment

Previous Post Next Post