Realmadrid ayaa guusheedii koowaad ku gaadhay gurigeeda waxa ayna 3-0 kaga badi yeen Real Valladolid
Qaybtii hore ee coyaarta waxa ay ku dhamaatay barbar dhac goolal la aan ah Qaybtii danbe se xaalkubsidaas waa uu ka duwanaa.
Federico Valverde ayaa hogaanka u dhiibay daqiiqadii 50aad waana goolkii ugu horeeyey ee ay kooxda Anceloti ku dhaliyaan gurigooda xiliciyareedkan bilowga ah
Brahim Diaz oo bedel kusoo galay ayaa gool quruxbadan hogaanka ugu sii dheereeyey kooxdiisa daqiiqadii 88aad
Halka goolka sadexaadna uu raaciyey da yarka ay dhawaan lasoo wareegtay Realmadrid ee Endrick oo daqiiqadii 95aad si wayna u dabaal degay kuna farxay in uu kulankaan gool ka dhaliyo.
Kylian Mbappe ayaa isagu awoodi waayey in uu laba kulan oo xidhiidh ah wax gool ah dhaliyo inkasoo uu isku dayo badan sameeyey.
Laacibkan rer France ayaa rajeynaya in uu si fiican u saldhigo gagida Santiago Bernabeu waxa uuna dedaal badan ku bixiyaa in uu goolal badan u dhiyo kooxddisa cusub.
In kastoo ay culays ku noqon doonto in ciyaartoygii daqiiqadahii ugu danbeeyey isaga lagu badalay uu shaba soo taabto
Hadana lama filayo in uu si fudud booska ugala bixi karo