Mikel Marino ayaa ugu danbayn ku biiray kooxda Arsenal oo mudo ay ku qaadatay in ay heshiiskiisa dhamaystiraan waxa ayna kala soo wareegeen kooxda Realsoiedad.
28 jirkan ka ciyaara khadka dhexe ayaa u saxiixay kooxda heshiis afar sano uu ku joogayo Emirats waxana lagu wareejiyey funaanada ay ku xardhantahay lambar 23.
Laacibkani waxa uu qayb ka ahaa kooxdii ka socotay dalka Spain ee ku guulaysatay koobkii Euroda waxa uuna ciyaarag dhamaan kulamadii ay Spain ciyaartay.
Markii lasoo bandhigay maanta ayaa tababare Micheal Arteta uu amaan kala dul dhacay laacibkan waxa uuna tilmaamay in uu kusoo kordhin doono kooxdiisa awood dheeraad ah.
Waxa kale oo uu intaas ku daray in laacibkani uu u ciyaaray sida ugu wanaagsan naadi ilaa xul qaran dhawr xili ciyaareed waxa uuna nasiin doonaa awood.
Waxa kale oo amaanay agaasimaha ciyaaraha kooxda Arsenal Edu waxa uuna sheegay in uu ku faraxsan yahay imaanshiiyaha Mikel Marino.
Hadalkiisa waxa uu sii raaciyey in laacibkana uu u ahaa dookhooda koowaad suuqan xagaaga imaanshiiyihiisuna kusoo kordhin doono kooxda awood jidheed iyo mid waayo aragnimo.
Waxa uuna intaa sii raaciyey inay soo dhaweynayaan xidigan heerka caalami iyo qoskiisaba iyo in uu rajeynayo in uu ku arko isaga oo k ciyaaraya funaanada Arsenal.