FEDERICO CHEASA OO TIJAABADA CAAFIMAADKA U MARAYA KOOXDA LIVERPOOL

 


Federico Cheasa ayaa soo cago dhigtay magaalada Liverpool si uu caafimaadka ugu maro kooxda Liverpool.

Laacibkani waxa uu fasax kasoo helay kooxdiisa Juventus maadaama qandaraaskiisa kooxda uu ka hadhay kaliya hal sano waxa ay door bidayaan in ay lacag ka sameeyaan si aanu bilaash ugaga tagin.

Liverpool iyo Juventus waxa ay ku heshiiyeen qiimaha laacibkan oo ku kacaya £10 million  iyo 2.5 million  kale oo ku xidhnaan doonta bandhigiisa waxana uu saxiixi doonaa heshiis 4 sano ah.

26 jirkani waxa uu xirfadiisa ka bilaabay Fiorantina isaga oo usaftay  153 kulan waxana uu usii dhaafay Juventus oo uu hada soo maca salaameeyey.

Waxa kale oo uu usoo ciyaaray culka qaranka Italy waxa uuna kula guulaystay koobkii Euro 2020 waxana uu kamid ahaa xidigihii  loodoortay kooxdii ugu wanaagsanayd.

Waqtigaa qiimihiisu aad ayuu u sareeyey waxaana lagu qiyaasi jiray in ka badan 80 million hada se waxa  hoos usoo riday dhaawacyo kusoo noqnoqday.

Xiliciyaareedkii dhamaaday waxa uu kamid ahaa kuwiisa ugu fiicnaa waxana uu kooxdiisa u dhaliyey 9 gool 33 kulan oo uu usaftay kooxdiisa horyaalka Talyaniga ee Serie A

Waraysi laga qaaday markii uu usoo duulayey Liverpool waxa uu Cheasa u mahad celiyey taageerayaasha kooxda Juventus  waxa uuna 

sheegay in uu kaxunyahay in uu katago dhankakale se waxa uu cadeeyey in uu ku faraxsanyahay in uu bog cusub ufuro waayihiisa ciyaareed 

Post a Comment

Previous Post Next Post