Iyadoo kaliya ay ka hadhsantahay suuqa kala iibsiga coyaartoyda 24 saacood oo kali ahi ayey kooxo badani isku dayayaan in ay lasoo wareegaan ciyaartoy cusub
Hadaba waxa aynu eegi doonaa heshiis yada la filayo in la sameeyo iyo ciyaartoyda maanta u diyaarsan in ay tijaabada caafimaadka u maraan kooxohooda cusub.
Aynu ku bilownee Federico Cheasa ayaa maanta tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Liverpool waxa uuna ka tagayaa kooxda Juventus
Stefan Bajcetic ayaa kusii jeeda kooxda RB Salzburhg oo uu sanad amaah ah ku maqnaandoono waxa uuna ka tagayaa kooxda Liverpool
Scott Mc Tominay ayaa kusii jeeda Talyaaniga si uu ugula midoobo kooxda Napoli tababare Antonio Conte waxa uuna ka tagayaa kooxda Manchester united
Aaron Ramsdale ayaa ku biitraya kooxda Southamton waxa uuna ka tagayaa kooxda Arsenal
Kepa Arrizabalaga waxa uu amaah ugu wareegay kooxda Bournemouth waxa uuna ka tagey markii labaad kooxda Chelsea
Chelsea waxa ay wadahadlo kula jirtaa Victor Osimhem ayagoo raba in ay ka soo afduubtaan kooxaha Sucuudiga ee lacagaha faraha badan u balqaadaya waxa uuna ka tagayaa kooxda Napoli.
Manuel Ugarte ayaa lafilayaa in ay Manchester united dhawaan saxaafada usoo ban dhigto waxa uuna kasoo wareegay kooxda PSG
Raheem Sterling oo loosheegay in uu kooxkale doonto hadii kale aanu hal daqiiqo u ciyaari doonin kooxdiisa Chelsea.
Kingsley Coman oo lala xidhiidhinayo kooxaha reer England ee Arsenal iyo Liverpool.