MANCHESTER UNITED OO UGU DANBEYN DHAMAYSTIRTAY HESHIISKA MANUEL UGARTE

 


Manchester united ugu danbayn waxa ay dhamaystirtay saxiixa Manuel Ugarte oo ay kala soo wareegtay kooxda PSG.

Laacibkan ka ciyaara dhexda caawisa difaaca ayaa ay kooxda PSG is ka fasaxday kaliya hal xiliciyaareed oo uu joogay caasimada France. 

23j jirkan rer Uruguay ayaa u saxiixay Red Devils  qandaraas dheer oo soconaya ilaa 2029 ka waxaase nasiib daro ah in ay diiwaan galiyeen xili danbe oo aanu u ciyaaridoonin kulanka adag ee ay axada gurigooda kusoo dhawayn doonaan Liverpool.

Dhamaystirka heshiiskani waxa ay kooxda TenHaag uga dhigantahay in ay xagaagan qarashgareeyeen 200 million Ginni 

Waxa ay kooxda PSG ushubidoonaan 42.3 million Ginni  iyo 8.5 million Ginni kale oo ku xidhnaandoonta waxayaabe kale.

Ugarte oo ka hadalayey dareenkiisa kadib dhamaystirka heshiiska ayaa yidhi waa dareen cajiib ah in aad ku biirto naadi heerkan le eg oo dunida oo idil laga daawado.

Waxa kale oo uu intaas ku daray in mashruucii ay kala hadleen maamulka Manchester united uu ahaa mid xiiso leh kooxduna ay tahay mid hami leh isaguna uu hami leeyahay.

Waxa uu intaas raaciyey in jacaylaka taageerayaashu uu yahay mid muhiim ah oo uu ogsoonyahay sida taageersha United ay u jecelyihiin kooxdooda.


Post a Comment

Previous Post Next Post