ARSENAL OO OO BARBARDHAC LA GASHAY BRIGHTON



 Kooxda Arsenal ayaa barbardhac 1-1 ah la gashay kooxda Brighton oo marti ku ahayd Emirats Stadium.

Kulankan oo ahaa mid aad u xiiso badan oo labada kooxood ba ay soo bandhigeen ciyaar cajiib ahayd ayaa kooxuhu dhibcaha ku qayb sadeen.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayuu Kai Havertz hogaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 38aad kubad uu kasoo shaqeeyey Bukayo Saka ayuu si xirfadaysan uga kor qaaday goolhaye Bart Verbruggen.

Waxaana lagu kala nastay goolkaas isla bilowgii qaybta labaadna waxa is badalay jawiga ciyaarya kadib markii Declan Rice loo taagay kaadhka labaad ee digniinta daqiiqadii 49aad  sidaasna ciyaarta lagaga saaray.

Dhacdadan lagu ciqaabay xidiga rer England ayaa muran badan ka dhalisay ciyaartan waxa ayna falaaqeeyeyaal badani ku doodayaan in aanay ahayn qalad uu ku mutaysato in ciyaarta lagaga saaro.

Waana markii ugu horeysay ee Declan Rice uu qaato cashaan waayihiisa ciyaareed waxa ayna ku noqotay u qaadan waa.

Intaas kadib kooxda Brighton dadaal badan oo ay sameeyeen waxa u suurto gashay in ay toban daqiiqo guduhood ciyaarta soo bar bareeyaan waxa ayn daqiiqadii 58aad goolka barbaraha u dhaliyey Pedro.

Tani waxa ay ka dhigan tahay in Arsenal ay lumisay labadii dhibcood ee ugu horeysay xiliciyareedkan iyo in laga hor istaagay guulihii xidhiidhka ahaa ee dhinaca Premier league

Waxa sidoo kale garoonka lagu arkayey saxiixa cusub ee Arsenal  Raheem Sterling oo ciyaarta kor kadaawanaya.


Post a Comment

Previous Post Next Post