Chelsea ayaa lasoo wareegtay Pedro Neto oo ay ka soo af duubeen xooxda Wolves qiimo gaadhaya 54 million Ginni.
Ciyaartoygan rer Portugal ayaa lagu arkay kulankii maanta ay Chelsea la ciyaaraysay dhigeeda Inter isagoo qaybtii hore ciyaarta kor ka daawanayey
Laakiin qaybtii labaad ayaa taageerayaasha Chelsea oo gurigooda Stamford Bridge joogay loogu soo bandhigay isagoo markii ugu horeysay xidhan Maaliyada kooxda.
24 jirkan ka ciyaara garabka weerarka ayaa sanadkii hore mudo u jiifay dhaawac lakin markii uu ka soo kabsaday dhaawacii waxa uu ka mid ahaa ciyaartoydii ugu fiicnayd ee Wolves
Wuxuuna dadaalkiisii ku helay in looga yeedho xulka qaranka Portugal koobkii Euroda ee lagu qabtay dalka Germany.
Chelsea oo mudo lala xidhiidhinayey laacibkan ayaa laga soo diiday laba dalab oo ay ku doonaysay Neto waxaana laga aqbalay dalabkii sadexaad kaas oo gaadhsiisnaa qiimihii ay Wolves dalbanaysay.
Mulkiilaha Chelsea Todd Boehly ayaa sii wada wali in uu lacag badan ku qarash gareeyo kooxda si ay heerkeedii ugu soo laabato waxaana tan iyo intii uu kooxda maamulkeeda la wareegay ku qarash gareeyey in ka badan 1 billion Ginni.
Marka lagu daro heshiiskan Chelsea waxa ay suuqa ciyaartoyda ku bixisay in ka badan 199 million xagaagan.
Neto ayaa laga yaabaa in uu 25 bishan August ka hor yimaado kooxdiisii hore ee Wolves marka ay fooda is daraan kooxdiisa haatan ee Chelsea.
Dhanka kale Chelsea ayaa ku bilaaban doonta kulankooda koowaad ciyaar aad u adag oo waxz ay wajihi doonaan kooxda horyaalka England haysata ee Manchester city axada soo socota.