KHarry Keane oo ugu danbayn ku guulaystay koob

 



Kabtanka xulka qaranka England Harry Keane ayaa ugu danbayn soo af jaray sanado badan oo uu habaar ka haystay in uu kula guulaysto kooxaha uu u ciyaarayey iyo xulka qarankiisaba wax koobab ah.

Laakiin taasi hada way soo dhamaatay waxa uuna kooxdiisa haatan ee Bayern München kula guulaystay koobka Malta Cup oo ay ka qaadeen kooxdiisii hore ee Tottenham.

Weeraryahankan aadka loogu dhaliili jiray in uu habaar ka haysto xaga koobabka  oo sanadkii hore oo uu u wareegay kooxdiisa haatan ee Bayern München dhaliyeyna goolashiisii ugu badnaa hadana awoodi waayeen in ay xataa hal koob ku guulaystaan

Ayaa hadana ay u raacday in koobkii Euroda na niyad jab kale lagaga rido oo waxaa ka qaaday Spain.

Sikastaba Keane  maanta waa uu diiday in uu koobkaas kor u qaado isaga oo ixtiraamaya  kooxdiisii hore ee Spurs oo mudo 14 sano uu joogay kula guulaysan kari waayey  wax koobab ah.


Waxa la arkayey Keane oo ciyaartu markii ay dhamaatay ku wareejinaya calaamada kabtan nimada laacibka ay isku kooxda yihiin ee Kimmisch diidayana in loo dhiibo koobka maadaama uu qaybtii danbe ee isaga ciyaarya lasoo galiyey uu ahaa kabtanka kooxda. 

Ciyaartan waxa la iska dhaliyey shan gool guud ahaan waxaana qaybtii hore ee ciyaarta la dhaliyey afar gool halka qaybtii danbena la dhaliyey hal gool.

Bayern München waxa ay dhalisay sadex gool qaybtii hore ee ciyaarta Tottenham na waxa ay dhaliyeen labadii qaybood ee ciyaarta min hal gool.

Post a Comment

Previous Post Next Post