Manchester city oo Wembley kaga Aarsatay Manchester united



Manchester city ayaa ku guulaysatay koobka Community Shield ee la ciyaaro bilowga xiliciyaareed kasta waxayna kaga guuleysteen isla kooxda kale ee ay isku hoyga yihiin Manchester united.

Kooxaha ka dhisan Manchester waxa ay ku ciyaarayeen garoonka weyn Wembley ee magaalada London ka dhisan oo ay dhamaadkii xiliciyaaredkii hore kuwada ciyaareen.

Waxaana Finalkii FA Cup ku guulaysatay kooda Manchester united waana ta xiisaha goonida ah u yeelaysay ciyaartan.

Labada kooxood waxay soo bandhigeen bandhig ciyaareed cajiib ahayd oo aad loo jeclaystay waxaana xiiso gooni ah u yeelay kooxda Reds oo aad moodo in ay ku soo laabanayaan jidkii guulaha cadaadis badana saaray kooda Cityzens.

In kastoo kooda Reds uu fursado badanoo labada qayboodba ah ka qasaariyey weeraryahankeeda Marcus Rashford hadana waxa u suurto gashay in ay ciyaarta hogaanka u qabtaan.

Waxaana gool quruxbadan u dhaliyey xidigooda Garnacho daqiiqadii 82 aad ka hor intaan gool laga diidin kabtankooda Fernandes oo shabaqa dhexdhigay kubad  heer caalami ahayd.

Hase ahaatee wax ka badan 7 daiiqo kuma qaadan City in ay soo barbareeyaan waxaana gool lagasoo shaqeeyey madsx ugu dhaliyey  Bernando Silva ciyaartiina waxay kusoo dhamaatay 1-1 waxaana la isula baxay riklgoorayaal.

Waxaana guushu ku raacday Manchester city oo bilowgiiba uu rigoorada ka qasaariyey Bernando Silva.

Redsna waxa rigoorayaasha ka qasaariyey  Jadon Sancho iyo difaacyahanka dada weyn ee Evens. 

Manchester united waxa ay noqotoy kooxdii ugu horeysay ee 10 Community Shield Final lagaga guulaysto 


Post a Comment

Previous Post Next Post