Tottenham Ayaa Lasoo Wareegaysa Dominic Solanke

Tottenham iyo Bournemouth ayaa ku heshiiyey in ay ku kala iibsadaan  65 million oo Ginni  Dominic Solanke isagoo weeraryahankani tijaabada caafimaadka mari doono dhawaan.

Solanke waxa uu qandaraaska kooxdiisa Bournemouth kula jiraa dhaacayaa 2029 laakiin waxaa qandaraaskiisa lagu burburinkaraa 65 million Ginni kooxdii bixisaana ay la wareegi karto.

Spurs ayaa doonaysa in ay iska xoojiso booska weerarka dhexe waxayna u arkaan in Solanke uu yahay ka booskaas kasoo bixi kara.

26 jirkaani waxa uu hore ugu soo ciyaaray Chelsea iyo Liverpool ka hor intii  aanu u wareegin Bournemouth.

Weeraryahankan rer England waxa uu sanadkii hore u ahaa midkiisii ugu wanaagsanaa waxa uu dhaliyey  19 gool wuxuuna kooxdiisa soo gaadhsiiyey booska 12aad.

Liverpool aayaaay faaiido wayni ugu jirtaa waxaana laga yaabaa in ay jeebka ku shubtaan boqolkiiba labaatan lagacta  lagu iibsado Solanke maadaama heshiiskii hore ay wada galeen Liverpool iyo Bournemouth ay ku jirtay qodobkani.

Lacagta qaaliga ah ee lagu burburinkaro qandaraaska Solanke ayaa Bournemouth u maleynaysay in ay dhib ku noqondoonto kooxaha doonaaya weeraryahankooda laakiin Spurs ayaa xayndaabkaas  jabinaysa.

Waxaana wali heshiiska dabada ka riixaya tababaraha Spurs ee Ange Postecoglou oo ogsoon in Solanke ka waxqabad badnaa  sanadkii hore labadiisa weeraryahan  ee Son iyo Richarlison.

Solanke waxa uu dhaliyey 21 gool dhamaan tartamada oodhan halka  Son uu dhaliyey 17 gool iyo Richarlison 11 gool.

Bournemouth ayaa si caga jiida  u iibin doonta weeraryahankeeda laakiin Solanke  xirfadiisa kasii wadi doona kooxda rer London ee Spurs.



Post a Comment

Previous Post Next Post