Xidigii hore ee Realmadrid iyo xulka qaranka Portugal Pepe ayaa ka fadhiistay ciyaara kubada cagta soona af meeraybmid kamida mihnadiisii uu aadka u qurxiyey sanadihii ugu danbeeyey.
41 jirkani waxa uu noqday ciyaartoygii ugu dada weynaa ee kabciyaara koobkii Euroda ee xagaagan ka qabsoomay dalka Germany.
Waxa uu u ahaa dalkiisa udub dhexaad u saftay dhamaan kulamadii ay ciyaareen ee Euro 2024 kulankiisii ugu danbeeyeyna waxa uu ahaa midkii ay France dalkiisa ku reebtay gool kulaadyada.
Difaacyankii hore ee Realmadrid waxa uu usaftay dalkiisa 141 kulan kaliya Cristiano Ronaldo iyo joao Moutinho ayaa ka safasho badnaa,Sidoo kale waxa uu usoo ciyaaray Porto Besiktas iyo Martimo.
Difaacyahankan dilaaga ahaa waxa muuqaal uu isaga oo murugaysan soo dhigay baraha burshada ugaga mahad celiyey dadkii garab istaaga u muujiyey intii uu ku jiray xirfadiisa ciyaareed.
Waxa kale oo uu dalkiisa kula guulaystay koobkii Euro 2016 kii.
Pepe waxa uu noqday sanadkii horeciyaartoygii ugu dada waynaa ee Champignons league ka dhaliya gool ciyaartii ay Porto la ciyaartay Antwerpen.
Xiligiisii Realmadrid waxa uu kula guulaystay sadex Champignons league iyo Sadex horyaalka Spain ee LALIGA mudadii 10ka sanadood ahayd ee uu ka ciyaarayey Santiago Bernabeu.
Rikoodhkiisa xaga edbinka ciyaartoyda ka soo horjeeda ayaa ahaa mid caan ah isaga oo urursaday tiro badan oo kaadha cas ah.