Liverpool ayaa aad u xiisaynaysa in la soo wareegto xidiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Realsoiedad ee Martin Zubimendi.
25 jirkan oo ka mid ahaa ciyaartoydii xulka qaranka Spain ee ku soo guulaystay koobkii qaarada yurub ee lagu qabtay wadanka
Germany xagaagan aadna ku xasuusan karto in uu bedel ku soo galay ciyaartii finalka markii Rodri uu dhaawac ku baxay xiligii nasashada ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa Liverpool
Waxaana lagusoo waramayaa in uu ka fikirayo in uu ka dhaqaajiyo kooxdiisii caruurnimo oo uu uga digo rogto Liverpool iyo in kale.
Laacibkan oo ka ciyaara booska qadka dhexe ama burburiyaha oo ay Liverpool ka liidatay tan iyo markii uu kooxda ka tagay Fabinho
Inkaskoo xagaadii hore ay soo qaateen Wataru Endo oo isla booskaas ka ciyaara kadib markii ay ku guuldaraysteen in ay lasoo wareegaan ladii laacib ee ay Chelsea ka dul qaaday Moises Caicedo iyo Romeo Lavia.
Hadana afartii kulan saaxiibtinimo ee ay ciyaareen kooxdu haatan waxa uu Wataru Endo bedel kusoo galay sadex kamid ah taas oo muujinaysa
In tababaraha liverpool Arne Slot aanu ku qanacsanayn xidigan heerka caalami sababo la xidhiidha xaga dadiisa waayo waa 31 jir. Waxaana suurto gal ah in Slot uu raadsanayo xidig ka da yar kana firfircoon oo booskaas uu ku aamino.
Reds wali ma aysan samayn wax saxiixyo ah tan iyo intii kooxda uu la wareegay tababaraha cusub ee Arne Slot iyo waliba agaasimaha cusub ee Richard Hughes.
Mar uu Arne Slot ka hadlayey kooxdiisa oo la waydiiyey in ay wajiyo cusubi kooxda kasoo muuqan doonaan xagaagan kama uusan saarin meesha in taasi dhici karto isagoo hadalkiisa sii raaciyey waxa aanu raadinaynaa xidigo tayo sare leh.
Waxa kale oo Martin Zubimendi xiisaynaysay kooxda Arsenal walow aysan wax dalab rasmi ah ka gudbinin.