Atletico Madrid ayaa ku dhow inay lasoo wareegaan weeraryahanka Manchester City Julian Alvarez

 


Weeraryahanka Manchester city Julian Alvarez ayaa ku dhaw in uu ugu uwareego 70 million oo Ginni kooxda ka ciyaarta horyaalka Laliga ee Atlantico Madrid.

Weeraryahanka rer Argentin oo hada ku maqan wali fasax ka dib ciyaarihii koobka Latin Amerika iyo Olympic ga ma qarinin in uu rabo in uu helo waqti ciyaareed ku filan xiliciyareedkan soo socda ee maal muhu inaga xigaan.

Waxayna u muuqataa in uu tababaraha Atlantico Madrid  Diogo  Simone u balanqaaday boos joogta ah in uu kasiin doono kooxdiisa.

Alvarez oo dhawaanahanba lala xidhiidhinayey kooxda Atlantico Madrid ayaad moodaa in uu ku dhawyahay in la isku afgartay dhamys tirka heshiiska.

Weeraryahanka Manchester city  ayaa u dhaliyey kooxda 36 gool 103 ciyaareed oo uu usaftay kooxda labadii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay wuxuuna kaabe u ahaa Eling Haaland oo dookha koobaad ee kooxda ah.

Hadii Alvarez uu u wareego horyaalka Spain ee LALIGA waxa iibkiisu uu noqondoonaa midkii ugu qaalisanaa ee ee ay kooxda haysata horyaalka Premierleague ku fasaxdo xidig kooxdeeda ah. 

wuxuuna dhaafi doonaa iibkii 55 million Ginni ee weeraryahankii hore ee City  Fernan Torres kula wareegeen kooxda Barcelona.

24 jirkaan hore ugu soo guulaystay koobkasta oo weyn oo aduunka ah wuxuu kooxda Cityzens ugaga soo biiray kooxda River Plate 14 million Ginni

Hadaba waxa la is waydiinayaa in tababaraha Manchester city Pep Guardiola  oo usbuucii hore mar uu ka hadlayey xaalada kooxdiisa sheegay.

In kaliya uu suuqa kala iibsiga ciyaartoyda galidoono hadii ciyaartiydiisa haatan mid kamidi uu u wereego meelkale ama koox kale.

Wax walibana waxa ay ku xidhnaan doonaan go aanka Pep Guardiola hadii uu rabo in uu sii haysto xidigan heerka caalami ah waa in uu siiyaa  boos joogto ah.

Waxa kaloo laga yaabaa in Cityzens ay marhoreba diyaarsatay badelkiisa oo ay fasixi doonaan.


 

Post a Comment

Previous Post Next Post