Manchester city ayaa lagu riday ganaax dhan £2 million Ginni kadib markii lagu xukumay in ay jabiyeen sharciga ciyaarta 22 jeer labadii sano ee lasoo dhaafay.
Waxa jira shuruuc iyo xeerar ay tahay in la raaco marka ciyaarta la bilaabayo iyo marka nasashada laga soo laabto iyadoo City ay ku guul daraysatay marar badan inay raacdo sgarciga.
City ayaa lagu helay in ay ciyaarta dib u dhigtay marka la bilaabayo ama marka laga soo laabto nasashada 22 jeer labadii xili ciyaareed ee 2022-2023 iyo 2023-2024 in kastoo qaar kamida dib udhacyadu ka yaraayeen 79 il bidhiqsi ama wax aan dhamayn 2 minut.
Kooxda horyaalka ingiriiska ayaa lagu xukumay inay dib udhigtay ciyaartii ugu danbaysay xiliciyareedkii hore ee ay la ciyaarayeen West Ham 2 daqiiqo iyo 46 il bidhiqsi waana maalintii ay ku guulaysteen horyaalkoodii afraad oo xidhiidh ah.
Ganaaxyadan ayaa u dhexeeya 10.000 ilaa 200.000 waana waana ganaaxa ugu yar ee kulankii koowaad iyo ganaaxa ugu sareeya ee kulankii West Ham.
18 kamida dhacdooyinkani waxay yimaadeen kusoo laabasha qaybta labaad ee ciyaarta marka ay ciyaartoydu soo nastaan.
Inkastoo go aanku u egyahay mid adag hadana kooxdu waxay sheshiis xaga ganaaxa ah la gaadhay Premier league waxayna raali galin ka bixiyeen jabinta la sameeyey waxayna waxayna arinka u xil saareen shaqsiyaad kamida kooxda si loo hubiyo in aysan markale u dhicin.
City ayaa aqbashay go aanka Premier league kaas oo ay ansixiyeen gudi madax banaan oo ka kooban sadex shaqsi.
Waxaana bayaan wadajir ah oo u dhexeeya labada dhinac la sii daayey wax yar ka dib markii ganaaxu ku dhacay kooxda.
Lacagtana waxa ay kooxdu ku bixin doontaa mudo 14 maalmood ah gudahood oo laga bilaabayo maalinta heshiiska la wada gaadhay .
Sidoo kale waxa iyadana ganaax noocan oo kale ah lagu riday kooxda Crystalpalace xiliciyareedkii 2022-2023 iyadoo lagu soo oogay laba danbi.