Liverpool oo Loo Tilmaamay Bedelka Salah



Weerar yahankii hore ee Liverpool Michael Owen ayaa u tilmaamay tababaraha cusub ee Reds Arne Slot in uu lasoo saxeexdo weeraryahanka West Ham United ee Jarrod Bowen.

Inkastoo Owen uu usoo jeediyey kooxdiisii hore inay u dhaqaaqaan soo xero galinta Jarrod Bowen hadana wuxuu tilmaamay in laga yaabo 

in kaliya ay caqabad ku noqon karto dada Ciyaartoygan oo 27 jir ah iyo in uu heshiis dheer kula jiro kooxdiisa hada ee West Ham.

Bowen oo dadaal aad u badan muujiyey sanadkii hore ayaa loo diiwaan galiyey 20 gool iyo 10 caawimo wuxuuna u saftay kooda 44 kulan  taas oo keentay in uu boos ka helo xulka England koobkii Euroda.

Sidoo kale wuxuu kula guulaystay West Ham Europa Conference League isagoo kooxda ka caawiyey inay ku guulaystaan koobkoodii ugu horeeyey mudo 43 sanood ah.

Reds ayaan wali samaynin wax saxeexyo ah tan iyo intii kooda uu la wareegay tababare Arne Slot. 

Waxa kale oo Micheal Owen uu ku sababeeyey in uu xiligan u tilmaamo bedelka Salah kooxdiisu hore 

In uu hoos udhacay wada hadaladii Salah iyo Liverpool  iyo waliba in qandaraaska uu kooxda kula jiro oo dhawaa  dhici doonao sidaa darteed waa in aad go aan deg deg ah gaartaa

Maadaama Salah lala xidhiidhinayo u wareegista Saudi Pro League.



Post a Comment

Previous Post Next Post