Difaacyankii hore ee kooxda Bologna Riccardo Calafiori ayaa dhamaystiray u wareegistiisa Arsenal isagoo kooxda inteeda kalena kula midoobay Philadelphia isla maanta.
Riccardo Calafiori wuxuu qalinka ku duugay heshiis dheer oo shan sano ah wuxuuna ugu soo wareegay qiime dhan £42 million Ginni.
Dhamaystirka heshiiska 22 jirkan Talyaaniga ah wuxuu qaatay Usbuucyo in uu soo gabagaboobo waana saxiixii koowaad ee ku soo biira kooxda Mikel Arteta xagaagan.
Riccardo Calafiori wuxuu xubin ka ahaa kooxdii xulka qaranka Italy ee Euro 2024 oo uu u saftay dhamaan sadexdii kulan ee ay ciyaareen.
Kadib sanad cajiib ahaa oo uu kusoo qaatay kooxdiisa Bologna oo usoo baxday Champignons league kana mid ahaa ciyaartoydii ugu cad cadaa xiliciyareedkaa.
Calafiori oo ka hadlay dareenkiisa ayaa sheegay in uu aad u faraxsan yahay wuxuun kaloo sheegay in uu rajaynayo in ay sameyn doonaan wax cajiib ah sanadkan.