PSG waxaa u bilaamay waa cusub oo ay tahay in ay niyad samaan iyo awood ku qaabilaan.
Kooxdan ugu saraysa France waa in ay markii ugu horeysay xiliciyareedkan Kylian Mbappe la aantii is muujiyaan.
Ka dib sanadobadan oo uu adeeg daacad ah usameeyey kooxdiisa waxa uu hada uga digo rogtay dhankaas iyo kooxda rer Spain ee Realmadrid.
Wuxuuna baneeyey boos wayn oo ay tahay in PSG ay xal u hesho xidigan rer France ayaa Parc des Princes kusii sugnaaday intii la filayey inka badan wuxuuna ugu danbayn riyadiisii yaraantii rumeeyey xagaagan.
Markaas oo ay PSG bilowday inay raadsato badalkiisa, hadaba waxa aynu eegaynaa laacib ay u arkaan in uu bedel u noqonkaro Klyian Mbappe.
Victor Osimhem waa magaca koowaad ee saxaafada badankeedu isku raacsanyihiin in uu xagaagan ku soo biiri doono kooxda ka dhisan Paris ee PSG.
Weeraryahankan 25 jirka ah ee reer Nijgeria ayaa wali qandaraas kula jira kooxdiisa haatan ee Napoli waxaase lagusoo waramayaa inuu doonaayo in uu baxo.
Isaga oo qandaraaska uu kooxda kula jiraa soconayo ilaa badhtamaha 2026 da waxaana lagu qiimeeyaa 100 million Euro.
Waxaa laga yaabaa in uu noqdo weeraryahanka cusub ee PSG maadaama aanay weeraryahanada haatan kooxda jooja sida
Randal Kolo-Muani oo aan soo bandhigin wixii laga filiyey iyo Goncalo Ramos oo aan isna buuxin karin booskaas.
Sidaa darteed sababta goolal dhalintiisa darteed waa in Victor Osimhem uu noqdaa hogaamiyaha cusub ee kooxda Luis Enrique.
Waxa kale oo ay kooxdu doonaysaa laacibka 19 jirka tayada sare leh ee u ciyaara Benfica ee lagu magacaabo Joao Neves oo lagu qiimeeyo 55 million Euro.
Tartanka loogu jiro laacibkan khadka dhexe ee rer Portugal ayaa noqondoona mid adag madaama kooxo kale oo ay Manchester united kamid tahay xiisaynayaan.