Manchester city ayaa wajahaysa weererkale oo kaga imanaya dhankaas iyo Saudi Pro League iyadoo kooxdii dhawaan ay riteen De Bruyne ee Al-ittihad ay ka doonayaan goolhaye Ederson.
Ederson wuxuu ahaa mid kamida goolwadayaasha ugu fiican aduunka iyo Premierleague sidoo kale goolwadaha koowaad ee City.
Laakin waxaa lala xidhiidhinayaa in uu ka huleeli doono gegida Etihad Stadium una digo rogan doono Saudi Pro League.
Xagaagii hore waxaa lala xidhiidhinaayey kooxda Al nasar oo ku guul daraysatay in ay lasoo saxiixdaan.
Xagaagana waxaa lala xidhiidhinayaa Al-ittihad oo doonaysa inay safkeeda kusoo xoojiso.
Wararku waxay intaa ku darayaan in Al-ittihad ku doonayso £50 million waxaana xidigan ku qalqaalinaya in uu usoo digo rogto Saudi-Arabië saaxiibadiisa udhashay Brazil ee ka ciyaara dalkaasi.
30 jirkaan oo ahaa sanadadii ugu danbeeyey mid kamida furayaasha guulaha Pep Guardiola isagoo lagu tilmaamay inuu yahay gool wadaha labaad ee ugu fiican dunida.
Ederson wuxuu diyaar u ahaa in uu qalainka ku duugo heshiis cusub lakin waxa la rumaysanyahay in uu ka fikirayo dalabka uu ka helayo Al-ittihad.
Waxa kale oo warbaahinta qaar ay qorayaan in Ederson ay saameysay amaantii loo soo jeediyey goolwadaha labaad ee city Stefan Ortega.
Badbaadadii cajiibka ahayd ee uu Son Heung-min ka beeniyey kubad uu kula baxsaday oo daawadayaasha ciyaartaas dhamaan ay u fisheen gool ciyaartii xasaasiaga ahayd ee ay la ciyaareen Tottenham kulan Premier league ahaa.
Badbaadintaas uu sameeyey goolwadaha rer Germany ayey dad badani kaga falceliyeen qaarkoodna ay soo qoreen in aanu xataa Ederson badbaadintaas sameeyeen hadii uu ciyaarta ku jiri lahaa.
Tababare Pep Guardiola oo arinkan wax laga waydiiyey ayaan xaqiijinin in xidigani sii joogidoono Etihad xiliciyaareedkan.