Manchester United Oo Laba Ciyaatroy Kala Soo Wareegaysa Bayern



Manchester united ayaa rajo aad u wayn ka qabta in ay heshiisyo laba dhinac ah la gaadho dhigooda Bayern München oo ay ka doonayaan labada difaacyahan ee Matthijs de Ligt iyo Noussair Mazraoui.

Labadan ciyaartoyba waxay hore ula soo shaqeeyen tababare Eric Tenhaag  xiligiisii Ajax wuxuuna rajaynayaa in uu marlabaad kula midoobo Manchester United.

Noussair Mazraoui waxaa loo badinayaa in uu bedelidoono xidiga kooxdu iska nacday ee Aaron Wan-Bissaka oo aad loola xidhiidhinayo in uu xagaagan ka huleeli doono gegida Old Trafford.

Tenhaag wuxuu aaminsanyahay in hadii uu kooxda keeno Mazraoui in taasi ka caawin doondo soo laabashada kalsoonidii Antony oo xidigani soo celin doono qaabciyaareedkiisii wanaagsanaa.

Dhanka kale waxay ay United ka gudbisay dalab Matthijs de Ligt lagu qiyaashay £29.5 million taas oo goor horeba la soo diiday waxyna kooxda rer Germany doonaysaa £42 million waxaana loobadinayaa in maalmaha soo socda United ay dalab labaad ka gudbindoonto.

Isla wada hadaladaas dhexdooda ayaa hadana lagu dhamayn doonaa dalabka kale ee laga gudbinaayo Mazraoui oo isna lagu qiyaasay

 £16.8 million  inkastoo Red Devils ay ku doodayaan in qiimihiisu inkaas ka hooseeyo.

Mulkiilaha cusub ee Red Devils Sir Jim Ratcliffe ayaa doonaya in uu kooxda ka xoojiyo meelihii ay xiliciyaareedkii hore ka liidatay wuxuuna kooxda kusoo kordhiyey labada ciyaartoy ee kala ah Joshua Zirkzee iyo Leny Yoro.

Waxayna kooxdu wali ku raadjoogtaa dhawr ciyaartoy oo kale iyadoo lagayaabo hadii ay labadan ciyaartoy kala soo wareegaan Bayern München  in ay si rasmi ah ula soo wareegi doonaan.

 Sufyan Amrabat oo xiliciyaareedkii hore  amaah kula joogay.

Post a Comment

Previous Post Next Post