Kooxda Liverpool ayaa ku raadjoogta xidiga rer Jaban ee Takefusa Kubo oo u ciyaara kooxda ka dhisan Spain ee Realsoiedad iyada oo wararka laxidhiidha xidigan ay sheegayaan in wadahadalada labada dhinac ay maraayaan marxaldii ugu danbaysay.
Ma aha xidigii ugu horeeyey ee lala xidhiidhiyo Reds ee ka ciyaara garabka midig waxaana ka horeeyey xidigaha ukala dhashay dalalka Nederlands iyo Belgem ee kala ah
Crysencio Summerville oo u ciyaara Leeds iyo Johan Bakayoko oo u ciyaara PSV labada ciyaartoyba waa kuwo tayo sare leh.
Wararku waxay intaa ku darayaan in laga yaabo in xidigan rer Jaban uu noqdo saxiixa ugu horeeya ee tababare Arne Slot.
Waxa isagu wararka laxidhiidhinaya Takefusa Kubo Liverpool sii xoojiyey laacibka ay isku wadanka yihiin una ciyaara Liverpool ee Wataru Endo oo u muuqatay inuu cadeeyey in xidigani uu kusoo biiri doono Reds.
Warbaahin qaarkood waxa ay qorayaan in uu badel u noqonayo Mo Salah halka kuwo kalena ay qorayaan in aanu beldelka Salah noqonkarin laakiin lagu nasin doono loona baahan yahay ciyaartoy kale oo lugta bidix ku ciyaara.
Kooxda Arne Slot waxa lala xidhiidhinayaa ciyaartoy farabadan una badan dhex iyo difaac laakiin wali heshiisyo ay dhamays tireen ma jiraan.
Waxa sidoo kale la ogsoon yahay in kooxda lagu soo kordhin doono hal ama labo ciyaartoy maadaama ay kooxda macasalaameeyeen ciyaar yahano dhawr ah.