Pep Guardiola oo Cadeeyey In De Bruyne uu Sii Joogayo Xiliciyaareedkan Kooxdiisa Cityzens



Kooxda Manchester city tababaraheeda Pep Guardiola ayaa ka hadlay arinta ku saabsan in in laacibka uu aadka u jecelyahay ee Kevin de Bruyne uu ka tagayo kooxda xagaagan.

Wuxuuna waxba kama jiraan ka soo qaaday wararkii ugu danbeeyey ee 33 jirkaan la xidhiidhinaayey inuu u dhaqaaqi doono Saudi Pro League.

Wuxuu kaloo cadeeyey in uu xiliciyaareedkan fooda inagu soo haya sii joogi doono kooxdiisa haatan ee Cityzens oo uu qorshiisa qayb weyn ka yahay.

Isagoo sidoo kale ka hadlay in hadii qof kooxda ka tagayo ay marka hore ka wada hadlaan kadibna goaan ka gaadhaan.

De Bruyne oo intii uu socday koobkii Euroda ee dhawaantan soo dhamaaday wax laga waydiiyey ayaa isna cadeeyey waqtigaa in uu cityzens sii joogi doono.

Si kastaba meesha kama uu saarin in hadii dalab macquul ah uu helo in uu markaas la wadaagi doono kooxdiisa waydiisana doono in la fasaxo.

Pep Guardiola waxa kale oo uu ka hadalay in wali ay fursad u haystaan in ciyaartoy cusubi kooxdiisa ku soo biiri doonaan  taasna ay ka fekerayaan.

Cityzens waxay isku diyaarinayaan in ay halgan adag u galaan ku dagaalanka koobkoodii shanaad oo xidhiidh ah taas oo hadii ay sameeyaan u noqondoonat rikoodh ay adagtahay in la jabiyo.

Post a Comment

Previous Post Next Post