Marseille oo Amaah Kula Wareegtay Pierre-Emile Hojbjerg


Kooxda kubada cagta ee Tottenham ayaa xaqiijisay in xidigii dhexda uga ciyaarijiray ee Pierre-Emile Hojbjerg uu si amaah ah ugu wareegay kooxda Marseille waxayna dookh u haystaan in ay sirasmi ah ula wareegaan xagaaga danbe.

Xidigan oo ay dhankooda ka raadinayeen kooxaha Atlantico Madrid iyo Fulham ayaa goaansaday in uu waayihiisa ciyaareed kasii wato dhankaas iyo League 1 isagoo kuqancay in uu lashaqeeyo tababaraha cusub ee Marseille Roberto de Serbi

Marseille ayaa maalmo ka hor la wareegtay xidigii hore ee Manchester united  Mason Greenwood ayaa kasoo gudbisay xidigan rer Denmark dalab qiimihiisu ahaa £13 million taas oo la aamin sanyhay in ay kor uqaadeen markii danbe gaadhsiiyeena ilaa £20 million. 

Spurs waxay soo iibsatay laba ciyaartoy oo dhex ah oo lagu kala magacaabo Archie Gray oo aay Leeds united kasoo iibsadeen iyo Lucas Bergvall oo ay Sweden ka keeneen.

Sidaa darteed waxa ay kooxdu ku qasbanaatay in ay fasaxaan qayb kamida ciyaartoydii ay hire u haysteen waxayna seeftu qaadatay laacibkan rer Denmark.

28 jirkaan hore ugu soo ciyaaray Bayern München  kahor intii aanu iman Southamton 2016 oo uu sidhaqso ah ku noqday kabtanka kooxdaas isaga oo u saftay 134 kulan.

Sidookale  Spurs oo uu afar sanadood ku qaatay una saftay 184 kulan isagoo u dhaliyey 10 goal iyo 16 caawimo ayaa uga faaiidayn doona kooxdiisa cusub khibradiisa ciyaareed.

Waxa kale oo uu kamid noqday 11kii ciyaartoy ee ugu fiicnaa Euro 2020 wuxuuna soo jiitay indhaha mucaashaqiinta kubada cagta waagaas.


Post a Comment

Previous Post Next Post