Amadou Onana ayaa ugu danbeyn u wareegay kooxda Astonvilla iyaga oo maanta usoo bandhigay saxaada.
22 jirkan kasoo jeeda dalka Belgem ayaa ugu wareegay kooxda Astonvilla lacag dhan £50 million taas oo ka dhigan in uu noqday ninka ugu qaalisan ee ay soo iibsadeen kooxdani wuxuuna ka sare maray Mousa Diaby.
Onana waxa uu kusoo biiray kooxda Everton sanadkii 2022da waxayna ku soo iibsadeen £33 million wuxuu usaftay 72 kulan wuxuuna u ahaa lafdhabar xiliciyaareedkii hore ee ay u dagaalamayeen in aanay heerka labaad u dhicin.
Bilawgii bishan ayaa laga aqbalay dalabkii ay Astonvilla ka soo gudbisay xidigan isla wakhtigaana wuxuu ogolaaday heshiiska shaqsiga ah ee kooxdiisa cusub lakiin waqti ayey qaadatay in heshiiska lasoo gabagabeeyo.
Villa waxa ay ka faaiidaysatay xaalada dhaqaale xumo ee haysata kooxda Everton iyaga oo u arka Onana in uu yahay bedlka xidigii dhawaan ka huleey kooxdooda ee Douglas Luiz oo Juventus ku biiray.
Sikastaba Astonvilla waxay isu diyaarinaysaa in aanay hoos uga dhicin kaalmaha sare ee Premier league oo waxa ay doonayaan in ay kasoo muuqdaan koobabka ugu sareeya Europe sida Champignons league.