Liverpool oo U Kala Dooranaysa Sadex Difaacyahan Bedelka Virgil Vandijk




Wararka hada soo baxaya ayaa sheegaya in kabtanka kooxda Liverpool  ee Virgil vandijk oo baryahan danbeba lala xidhiidhinayey in uu uwereegi doono Sucuudi Pro League  ay aad isu soo tarayso.

33 jirkaan ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in la dardargaliyo wadahadalada u dhexeeya isaga iyo naadiyada kasoo jeeda Sucuudiga ee ku raad jooga.

Warkan oo aan u fiicnayn dhagaha taageerayaasha kooxdiisa Liverpool oo uu la wareegay tababare cusub kadib markii uu shaqada baneeyey tababareheedii ay wada jeclaayeenee Jurgen Klopp ayaa culays weyn ku keeni doona kooxda.

Waxa ayna wararku intaa ku darayaan in ay kooxdu hada khatarweyn ugu jirto inay lumiso ciyaartoy dhawr ah oo ay ka mid yihiin Vandijk, Salah, iyo Arnold oo dhamaan tood heshiisyada ay kooxda kula jiraan ay ka hadhsan yihiin 11 bilood oo kali ah.

Tababaraha kooda ee Arne Slot ayaa goorhore kala hadlay mas uuliyiinta kooxda in ay qandaraasyads u cusboonaysiiyaan sadexdan ciyaartoy walina wax wada hadal ah kooxdu lama aysan furin ciyaartoydan.

Waxa kale oo kooxda lala xidhiidhinayaa sadex difaac yahan oo kala ah Gonsalo Inacio, Gleison Bremer iyo Marc Guehi oo ukala ciyaara Sporting Lisbon, Juventus iyo Crystalpalace waa sida ay ukala horeeyaane.

Laakiin tababare Slot waxa uu aad u rajaynayay in uu sii wado la shaqaynta kooxdii ugu muhiimsanayd ee ciyaartoyga Liverpool u horseeday guulo badan sannadihii la soo dhaafay, iyada oo maamulaha cusub uu si cad u sheegay

wada hadaladii hore ee uu la yeeshay Edwards iyo Hughes in sii haynta inta badan ciyaartoydaas ay noqon doonto furaha guulaha xagaagan ee kooxda.




Post a Comment

Previous Post Next Post