Kevin de Bruyne oo Heshiis La Gaadhay Al Itihaad



Xidiga kooxda ka ciyaarta Premier league ee Manchester city Kevin de Bruyne ayaa lagu soo waramayaa in uu heshiis shakhsi ah la gaadhay kooxda ka dhisan dalka Sucuudiga ee Al Itihaad.

De Bruyne ayaa heshiiska uu kula jiro kooxdiisa haatan ee Manchester city  uu ku eg yahay dhamaadka xiliciyaareedka dhawaan bilaabanaya waxaana xaaladiisa in mudo ahba daba socotay kooxda Al ittihaad oo ku soo jiidanaysa mushar xad dhaaf ah.

Xidhigan u dhashay Belgem oo dadiisu tahay 33 jir ayaa ogsoon in aanu Europe  gudeheeda ka heli doonin mushahar u dhigma ama u dhaow inta ay Al Itihaad  u balanqaaday waxayna hada wada gaadheen heshiis hordhac ah.

Kooxdan ka ciyaarta ProLeage ee Al Ittihaad ayaa dhawaan u magacawday tababareheeda cusub xidigii hore ee difaaca uga ciyaari jiray Xulka France Olypique de Marseille, Inter iyo Manchester united  ee Laurent Blanc. 

Taasina waxa ay soo dedejisay in De Bruyne  uu heshiiska shaqsiga ah la gaadho kooxda isaga oo kula midoobi doona ciyaartoyda kooxdaas sida Karim Benzema. Ngolo Kante iyo Fabinho.

Sikastaba ha ahaatee kooxdan oo sanadkii hore malaayiin dollar ku qarash garaysay ciyaartoy ay soo iibsadeen ayaanay hadana ka caawinin in ay ku guulaystaan horyaalka dalkaas waxayna ku dhamaysteen kaalinta shanaad

Iyagoo waliba sanadkii ka horeeyey ku guulaystay horyaalka Sucuudiga ee Pro League. 

Post a Comment

Previous Post Next Post