Arsenal oo Ku dhaw Difaacyahan Tayo Sare Leh




Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw in ay gacanta ku dhigto difaacyahan tayadiisu ay sarayso oo ka ciyaarara horyaalka Talyaniga ee Siera A.

Warar hada soo dhacay ayaa sheegaya in kooxda Arsenal ay wada hadalo la bilowday difaacyahanka kooxda Bologna ee Riccardo Calafiori.

Kaas oo ay ogolaatay in ay bixiso lacagta ay ku doonaysay kooxdiisu oo dhan 40 million Euro oo lagu daray 4.2 million kale oo dheeri ah.

Guners wali lama aysan gaadhin ciyaartoygan u dhashay wadanka Talyaaniga wax heshiis shaqsi ah umana aragto in taasi ay wax dhib ah ku keeni doonto dhamaystirka heshiiska.

Difaacyahankani waxa uu u saftay kooxdiisa 33 kulan wuxuuna ka caawiyey kooxdu in ay usoo baxdo koobka Champignons league ee ugu qaalisan Europe.

Calafiori  waxa uu ku soo biiray kooxda Bologna  sanadkii hore isaga oo kaga soo biiray dhankaas iyo kooxda Basel waxayna ku soo iibsadeen lacag lagu qiyaasay 3.5 million ginni. 

Waxa kale oo uu ciyaaryahankani hore ugu soo ciyaaray kooxda AS Rome iyo Genoa.

Sidoo kale waxuu isku soo shaac saaray koobkii Euro da ee dhawaan soo dhamaaday isaga oo soo matalay xulkiisa qaranka ee dalka Talyaaniga.

Difaacyahankan oo ka ciyaara boosas kala duwen ayaa soo jiitay indhaha tababare Arteta kaas oo isagu  aad u  jecel in ciyaartoydiisu ay ka ciyaari karaan meelo kala duwen.

Post a Comment

Previous Post Next Post