Manchester United oo Ku Dhaw Saxiixa Xidig Ka Ciyaara France




Kooxda kubada cagta ee  Manchester united ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u koridoonta sidii ay u dhamaystiri lahayd saxiixa  xidiga rer Uruguay ee Manuel Ugarte oo u ciyaara kooxda rer France ee PSG.

23 jirkan oo ay isag iyo kooxda Manchester united  isula meel dhigeen heshiiska shaqsiga ah ayaa hadana  ay Manchester united u baahan tahay inay kala heshiiso kooxdiisa hada ee PSG  oo xigigan ku doonaysa 59 million oo Ginni.

Si ay taasi u dhacdana waxay  United ku qasbanaan doontaa in ay fasaxdo qaarkamida ciyaartoydeeda oo ay uga sameeyaan dhaqaalihii ay kula soo wareegi lahaayeen Ugarte. 

Xidigani waxa uu PSG ku soo biiray xagiigii hore oo uu uga soo wareegay kooxda Lisbon oo uu u soo ciyaaray labo xiliciyaareed.

Waxa uu usaftay kooxdiisa haaten ee PSG 37 kulan wuxuuna kula guulaystay sadex koob.

Waxaa laga yaabaa in United ay fasaxdo xidigeheeda khadka dhexe ee Casemiro ama Mc Tominay si ay boos ugu helaan  ciyaartoygan cusub.

Waxa ay warbaahinta ingiriisku qorayaan in ay ubadantahay in ay fasaxaan Casemiro oo dadiisu ay tahay 32 jir kooxdana usbuucii uga xaadira mushar dhan £375 kun taas oo ay kooxda faaiido ugu jirto madaama musharkiisa badani meesha ka bixi doono isagana ay ku iibin karaan in ka badan 25 million oo Ginni.

Waxaana lala xidhiidhinayaa  xidigan heerka caalami ahi in uu dalabyo ka helayo dhankaas iyo Sucuudiga.

Dhanka kale Manchester united waxay diiday dalb uga yimi Fulham oo doonaysay  Mc Tominay sababo la xidhiidha in aanay Fulham  dalabkeedii koowaad ahayn mid gaadhsiisan £30 million.

Si kastaba TenHaag wuxuu rabaa in uu kooxda ka xoojiyo khadka dhexe isagoo beegsanaya ciyaartoy dadoodu aanay weyneyn tayo sarena leh.

Post a Comment

Previous Post Next Post