Qayb ka mida taageerayaasha kooxda kubada cagta ee Marseille ayaa muujiyey sida ay uga xunyihiin in Kooxdoodu ay la soo wareegto ciyaartoyga Mason Greenwood waxayna ku tilmaameen in ay ahayd taalo looqaaday meel qaldan.
Kooxda rer France ayaa Greenwood kala soo wareegtay kooxda ka ciyaarta horyaalka Ingiriiska ee Manchester united waxay na ku soo iibsadeen qiime lagu qiyaasay 30 million oo Ginni.
Sababta ay qagbkamida taageerayaasha Marseille uga soo horjeedaan xidigan ayaa ah in ay saaxiibtiisii hore ku soo eedaysay in uu kula kacay fal kufsi ah iyo tacadiyo kale waxayna iska soo duubtay muuqaal iyada oo dhiig ka da aayo taas oo keentay in xidigan xabsiga la dhigo.
Sidoo kale waxa uu waayey Qandaraasyadii muhiimka u ahaa ee xaga xayeysiinta iyo in laga eryay xoodiisii xiligaas ee Manchester united.
Si kastaba 22 jirkan waxaa lagu waayey danbiyadii lagusoo eedeeyey dhamaantood lakiin taasi kama aysan baajinin in wali uu dulmane u yahay dacwadaas hore usoo dhamaatay.
Waxaase xidigan mustaqbalkiisa badbaadisay kooxda rer Spain ee Gattafe oo uu xiliciyaareedkii hore u ciyaarayey wuxuu u dhaliyey 10 gool iyo 6 caawimo wuxuuna ku guulaystay ciyaartoygii ugu fiicnaa ee kooxda.
Kooxda rer Spain waxay rabeen in ay sii haystaan xiliciyaareed kale oo uu si amaah ah kula joogo lakkin Manchester united waxay doorbidaysay in ay si rasmi ah u fasaxaan .
Dhanka kale waxaa xidigan ku soo dhaweeyey gagida diyaaradaha boqolaal taageere oo u muujiyey farxad iyo taageero labadaba.