Kooxda Boqorada ee Realmadrid Oo Usoo Baxay Finalka Champignons league

 


Kooxda kubada cagta ee Realmadrid ayaa usoo baxday Finalka Champignons league  kadib markii ay guul soo laabasho ah kasoo gaadheen dhigooda Bayern München waxayna is wajihi doonaan ciyaarta ugu danbaysa kooxda Borussia Dortmund.

 Kooxda Bayern München ayaa filanaysay in ay aadi doonaan London isma siiyey guul lakiin taasi waxaa beenisay kooxda Realmadrid oo xiligii dhimashada la timi labagool oo ay u dhaxaysay sadex daqiiqadood.

Ciyaartan oo u muuqatay in ay Realmadrid ku gacan saraysay kana fursado badnaayeen kooxda Bayern ayaa qaybteedii hore kusoo idlaatay goolal la aan labada kooxoodba ah.

Qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa la isu soo laabatay iyadoo kooxkastaaba raadinayso inay gool la hormaraan niyadana ka dilaan kooxda kasoo horjeeda  waxaana taas ku hormartay

kooxda Bayern München  oo daqiiqadii 68aad gool quruxbadan u dhaliyey xidigeeda Alfonso Davies oo ciyaarta bedel kusoo galaymarkii uu dhaawacmay Serge Gnabry kana ciyaarayey garabka bidix ee weerarka.

Goolkan waxaa kasoo shaqeeyey Harry Keane  oo meel fog kasoo tuuray kubada waxaana si xarago leh difaacyahanada Realmadrid uga farsamaysatay Alfonso Davies wuxuuna ku hubsaday shabaqa.

Intaa kadib waxay bilaabeen labada tababare in ay shaxdooda wax ka bedelaan waxayna sameeyeen inay ciyaartoy Carboon soo galiyaan.

Waxaana la arki karayey sida ay u dadaalayeen ciyaatoyda Realmadrid  waxayna la yimaadeen goolka barbaha balse waxaa dood ka keenay ciyaartoyda kooxda Bayern München waxaa laga soo hubiyey VAAR meeshana waa laga saaray.

Taasi waxay cadaadiska kusii badisay ciyaartoyda Realmadrid  waxayna ugu danbayn nasiib u yeesheen inay daqiiqadii 88aad ay layimaadaan goolka barbaha waxaana goolka u dhaliyey  weeraryahankooda Joselu kubad ka baxsatay goolwadha Bayern  ee Neuer isla 

Sadex daqiiqadood kadib ayey goolka guusha ku aamusiiyeen kooxda  Bayern München waxaana marlabaad goolka ka dhaliyey Joselu

Dhamaadkii ciyaarta ayey Bayern München la yimaadeen gool lakiin waa laga diiday goolkaas waxaana ka dhashay muran badan lamana yaqaan sababta.

Sidaas ayey Boqortooyada kubada Yurub ee Realmadrid ku tageen Finalka waxayna wajahayaan kooxda Borussia Dortmund oo iyadana nasiibku uu wato.



 

 


Post a Comment

Previous Post Next Post