kooxda kubada cagta ee Paris Saint - Germain ayaa ku guulaysatay horkaalka wadanka faaransiiska ee Ligue 1 iyadoo loo caloomo saaray markeedii 12aaad waxayna guushan xaqiiqsadeen markii kooxda kaalinta labaad ku jirtay ee AS Monaco ay lasoo kulantay guuldaro 3-2 ah oo ay Olympique Lyonnais usoo xambaarisay.
PSG oo iska lumisay fursadii ay ku qaadi lahayd horyaalka sabtidii oo ay barbaro 3-3 ah lasoo galeen kooxda Le Havre oo dhibicdaas ku gaadhay 70 dhibcood ay baahnayd in loo qabto AS Monaco sidaasna waxay ku xaqiiqsadeen horyaalka dalka Frace ee Liegue 1iyadoo sadex kulan ay baadi u tahay.
Guushan ay gaadhay kooxda Luis Enrique ayaa kadhigan in Kylian Mbappe oo qandaraas kiisu dhacayo xagaagan lagana yaabo in uu ka huleelo caasimada France ee Paris uu kula guulaystay Horyaalkiisii todobaad.
PSG oo ku hogaaminaysay Horyaalka 12dhibcood ayaa waxa kaliya ee ka hor istaagi karayey in ay ku guulaystaan ay ahayd in kooxda AS Monaco ay soo guulaysato waxaana ay ciyaartii ay wada ciyaareen AS Monaco iyo Lyon ahayd mid xiiso gooni ah leh.
Monaco ayaa daqiiqadii 1aad ba hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana gool u dhaliyey Wissam Ben Yedder lakin kooxda Lyon ayaa ciyaarta xaga kale u rogtay ka hor daqiiqadii 25aad kadib markii ay Alexander Lacazette iyo Said Benrahma u dhaliyeen laba gool oo degdeg ah.
AS monaco ayaa ciyaarta kusoo laabatay qaybtii labaad waxaana soo barbareeyey oo marlaad gool ka dhaliyey Wissam Ben Yadder balse intaasi kuma filnaanin oo intii ay goolka guusha raadinayeen ayaa iyagii loo sadexeeyey waxaana xiligii dhimashada gool ka dhaliyey M. Fofana.
PSG inay ku guulaysto Horyaalkooda waxay kaa caawin doontaaa in ay fikirkooda u jeedin doonaan dhankaas iyo Champions League oo ay ku dadaali doonaan in ay u dagaalamaan in ay markoodii koobaad ku guulaystaan.