Guushan oo ka dhigan in ay culayska kusii badiyeen kooxda hogaanka u haysa horyaaka ingiriiska ee Arsenal.
Pep Guardiola oo ogsoonaa in ay kooxda Arsenal soo jiidhay kooxda ay dariska yihiin ee Tottenham ayaa ku soo bilowday shax xoogan.
Wuxuuna ku dadaalayaa in aanu wax dhibco ah luminin sadexda kulan ee ka hadhsan horyaalka wuxuuna ogsoon yahay in hadii ay sibibixdaan uu macasalaamayndoono horyaalka.
Waxay u muuqatay in bilowgii ciyaarta ay dardar lasoo galeen kooxda martida loo ahaa ee Nottingham forest ok iyaduna doonaysay inay ka fogaadaan khadka cas ee heerka labaad loogu laabto.
Waxa ay ameyeeyeen fursado lakin kama aysan faaiidaysan halka Manchester city oo feejignaan kula ciyaaraysay ay ku dishay xaga khibrada iyo in ay is dajiyeen.
Daqiiqadii 32aad ayey City hogaanka ciyaarta uqabay kadib gool uu u dhaliyey difaacooda J.Gvardiol kubad koorne laga soo tuuray uu madaxa kaga dhaliyey.
Qaybtii hore ee ciyaartana sidaas ayey ku soo dhamaatay balse markii la isu soo laabtay ayey labada kooxoodba ku dadaalayeen in ay fursado kale sameeyaan.
Isbadal uu sameeyey macalinka city ee Pep Guardiola ayuu ku faaiday waxayna awoodeen in layimaadeen goolkooda labaad daqiiqadii 71aad wsxaana u dhaliyey xidigeeda
Erling Haaland oo kubad uu ka helay Kevin De Bruyne uu la dhexgalay xerada ganaaxa wuxuuna ku hubsaday shabaqa darbo xoogan.
Waxayna kooxdii Nottingham Forest kusoo maquuniyeen 0-2 natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester city ay yeelatay 79 dhibcoon oo ay ku jirto kaalinta labaad waxaana baaqi u ah hal kulan.