Kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa soo gaadhay guul aad muhiim ugu ahayd oo ay kasoo gaadheen dariskooda Tottenham oo gurigooda joogtay.
Arsenal oo aan ogalayn in ay lumiyaan wax dhibco ah ayaa qaybtii hore ee ciyaartaba xaqiijisatay inay sadexda dhibcood gactooda soo galiyaan.
Kooxda Micheal Arteta waxay hogaanaka ku sii dhagsantahay iyadoo ay horyaalaka ka hadhsan tahay kaliya sadex kulan oo ay ku ducaysanayaan in isla Tottenham ay u celiso Manchester city.
Arsenal imika hogaanka waxay ku haysaa afar dhibcood lakiin Manchester city waxaa baaqi u ah laba ciyaarood hadii ay soo guulaystaana ayaga ayaa hogaanka la wareegi doona.
Sadex gool ay qaybtii horeba siiyeen P.Hojbjerg oo gool iska dhaliyey Bukayo Saka iyo Kai Havertz ayaa kaga filaaday inay soo xoogsadan sadexda dhibcood ee London Derby.
Goolka koowaad waxaa daqiiqadii 15aad iska dhaliyey P Hojbjerg kubad koone laga soo qaaday oo uu rabay inuu gees u bixiyo.
Goolkaas ayey hogaanka ku qabatay Arsenal waxaana soo barbareeyey Micky vd Ven daqiiqadii 23aad lakin goolkaas VAR ayaa meesha ka saartay waxaana la xaqiijiyey in uu offside yahay.
Waxyar kadib daqiiqadii 27aad ayuu Bukayo Saka ka dhaliyey goolka labaad oo ahaa weerar celis degdegah wuxuuna ka farsamaystay difaaca Spurs kuna hubsaday shabaqa kubad hoose oo gool wadahu gaadhi waayey.
Toban daqiiqadood kadib na Arsenal waxag la timi goolkeeda sadexaad oo uu madax ugu dhaliyey Kai Havertz daqiiqadii 38aad qaybtii hore ee ciyaartana waxay kudhamaatay 0-3
Qaybtii labaad ee ciyaarta ayey Sours hurdada ka toostay waxayna bilaabeen isku day walba oo ay goolal kula iman karayeen.
Balse kooxda Arteta waxay samaynayeen feejignaan dheeraad ah iyo inay isku dayaan werar rogaal celis ah mana rabin in guushu gacantooda ka baxdo.
Balse culays lasaaray darteed ayey usameeyeen labaqalad oo lagu ciqaabay.
Goolhaye David Raya ayaa sameeyey qalad dilaa ah oo wuxuu kubad uu qalday u dhiibay difaacyanaka kooxda Tottenham ee Cristiano Romero daqiiqadii 64aad oo isaguna ku ciqaabay kana dhaliyey gool.
Dhamaadkii ciyaarta ayaa hadana kooxda Arsenal lagu dhigay gool - kulaad daqiiqadii 84aad kadib markii Declan Rice uu xerada ganaaxa dhexdeeda ku haraatiyey Ben Davies waxaana laga soo hubiyey VAR.
Waxaana dhaigtay Son ok kubad awood badan oo uu dhinaca bidix ku toogtay ku dhex dhigay shabaqa ciyaartiina waxaynoqotay 2-3 .
Wakhtigii dheeriga ahaa ayaa Spurs dadaal badan ku bixiyeen sidii ay gurigooda dhibic ugu qaadan lahaayeen waxay cadaadiska ku sii xoojiyeen kooxda Arsenal balse natiijada ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay guul ay Arsenal usoo rafaaday.
Kooxda macalin Arteta waxag yeelatay 80 dhibcoodoo ay kaalinta koobaad ku jiraan halka ay Spursna ku nagaatay 60 dhibcood oo ay kaalinta shanaad fadhiyaan.