Manchester united Oo Gurigeeda Ku Lumisay Dhibco Kale

 


Kooxda kubada cagta ee Manchester united ayaa gurigeeda kula qaybsatay kooxda Burnley dhibcaha ka dib ciyaar uu nasiibku diiday.

Kooxda Ten Haag waxay soo bandhigtay ciyaar cajiib ahayd oo tobankii daqiiqadood ee ugu horeysayba ay toogteen goolka Burnley ku dhawaad lixjeer balse ayna awoodin inay shabaqa soo taabtaan.

Ciyaartan waxaa qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigay xidigii la iska iloobay ee Antony oo qatar joogto ah ku ahaa kooxda Burnley difaaceeda in kastoo aad moodo awoodiisa jidh ahaaneed inay liidato.

Ciyaarta qaybteedii hore waxay ay labada kooxood sameeyeen fursado laakiin kooxina ma awoodin inay shabaqa soo taabtaan waxayna ku kula nasteen 0-0.

Qaybtii labaad ee ciyaartu waxay u muuqatay in Manchester united ay baadi goob wayn ugu jireen sidii ay gool u keensan lahaayeen waxayna taasi u suurto gashay dadaal dheer ka 

dib waxayna gool la yimaadeen daqiiqadii 79aad oo kubad si qaldan ay isugu dhiibeen difaacyahana Burnley ka baxsaday Antony una badalay gool ciyaartana ka dhigay 1-0.

Balse ay haysteen kaliya todoba iyo toban daqiiqadood ka waxaana qalad wayn oo uu sameeyey Casemiro sababay in gool kulaad lagu abaal mariyo kooxda Burnley xiligii

dhimashada iyaguna si fiican ayey uga faaiidaysteen waxaana goolkulaadkii shabaqa ku hubsadayAmdoubi ciyaartiina waxay kusoo dhamaatay barbardhac 1-1.

Inkastoo daqiiqadii ugudanbaysay ee qaybta labaad ay ciyaartoyda Manchester united ku doodeen in ay xaq u leeyihiin in lagu abaal

mariyo gool kulaad kadib markii kubad uu soo tuuray Antony ay gacanta kaga dhacday mid kamida difaacyahanada Burnley  balse waxaa laga soo hubiyey Faar waxaana waxba kama jiraa  laga soo qaaday cabashadoodii.

Barbardhacani wuxuu sii xumaynayaa rajadii kooda tababare Eric ten Haag  ee ahayd in ay usoo baxaan  Europe League taas oo aad moodo in ay god dheer kaga sii dhici soonto hadii ay dhibco danbe lumiyaan.

Waxaana aad ugu kacsan macalinka United qaar kamida ciyaartoydii hore ee koodan kuwaasoo dabka kusii shidaya wararka la xidhiidha in macalinkani aanu sii joogidoonin kooxda xili ciyaareedka danbe.

Ten Haag oo aad moodo in uu ciyaartoydaas horee ee kooxda iska jeedinayona wuxuu ku dooday in kooxdiisu ay sooban dhigtay caab ciyaareed cajiib ah xili ciyaareedkan.



Post a Comment

Previous Post Next Post