Koox da Liverpool ayaad moodaa in ay lumisay qaabciyaareedkeedii cajiibka ahaa ee ay soo wadeen xili ciyaareedkan waxaana soo gaadhay dhir baaxooyin ayna filanayn.
Laga soo bilaabo ciyaartii ay Manchester united ka reebtay F.A Cupka ilaa maanta kooxda hoos u dhac wayn ayaa ku socday waxaana ay mar kaliya lumisay wax walba oo lala xidhiidhinayey haday koobab tahay iyo hadii ay kalsooni tahayba.
Kooxda Klopp ayaa barbar dhac niyad jabkale u keenay kooxda lasoo gashay kooxda Westham taas oo xaalka ku sii xumaysay tababaraha oo ay kulamadii ugu danbaysay ka muuqatay niyad jab weyn.
Dhamaadkii qaybtii hore daqiiqadii 43aad ayuu hogaan Jarod Bowen hogaanaka u dhiibay kooxdiisa Westham goolkaas ayaana lagu kala nastay .
Bilowgii qaybtii labaad ayey liverpool ciyaarta soo barbaraysay waxaana goolkaas u dhaliyey Roberson daqiiqadii 48aad waxoogaa kadibna waxay layimaadeen goolka labaad daqiiqadii 65aad oo ay Westham iska dhaliyeen.
Waxaa sii socday luminta fursadahooda ilaa iyaga lasoo barbareeyo daqiiqadii 77aad waxaana goolka labaad kadhaliyey Micheal Antonio.
Macalinka liverpool ayaa in taa kadib sameeyey is badal wuxuuna ciyaarta soo wada galiyey Salah. Nunez. iyo Gomez daqiiqadii 79aad balse kama aysan badbaadin in ay lumiyaan dhibco.
Waxaana aad loola yaabay in ay isku dhaceen Salah iyo Klopp oo ay kamirooyinka garoonku qabteen iyadoo Salah laga qabqabanayo macalinkiisa waana fadeexad kale oo hor leh
Iyo in macalinka kooxdu uu lumiyey kalsoonida ciyaartoydiisa waxayna ciyaartoydu ogsoonyihiin in ninka rer Germany uu sii maamulidoono kaliya Afar kulan.
Afartii kulan ee ugu danbaysay ee ay ciyaareen horyaalka Premier league waxay guulaysteen kaliya hal mar barbarahanina wuxuu uga dhigantahay niyad jab hor leh.
Sida iska cad hoos udhaca kooxda waxaa qayb weyn ka ah macalinka kooxda ee Jurgen Klopp oo ciyaar kasta sameeya is bedel dhanka safkiisa hore ah mana kusoo galo saf isku mid ah.