Kooxda kubada cagta ee Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay la heshiisay tababarahii u badali lahaa Jurgen Klopp oo dhamaadka xili ciyaareedkan ka tagaya kooxda.
War hada soo dhacay ayaa sheegaya in tababaraha reer Netherland ee ay sida xoogan ku galeen soo xero galintiisa laguna magacaabo
Arne Slot ay heshiis la gaadheen kooxdiisa hada ee Feynoord na ay u ogolaatay inuu xirfadiisa tababare bog cusub u furo.
Waxayna qaadan doonaan lacag qadarkeeda lagu qiyaasay £9.5 million ginni waxaana heshiiska lasoo gabagabeeyey subaxnimadii maanta.
waxa kale oo heshiiska la filayaa inay ku jirto in uu hore usoo raaci doono ninka gacanta midig u ah ee lagu magacaabo Spike Hulshoff oo horena u ahaa tababare ku xigeenka xulka qaranka ee dalka Netherland.
Sidoo kale waxaa la filayaa inay hore usoo raaci doonaan asxaabtiisa imika ay kawada shaqeeyaan kooxda Feynoord.
Klopp ayaa si cad u taageeray kuna tilmaamay in uu Slot yahay macalin wanaagsan xili ay u hadhsantahay kaliya inuu sii ahaado macalinka Reds afar kulan .
Dalabkii koobaad ee Liverpool ka gudbiso macalin Slot oo qadar ahaan ahaa 7.7 million lakiin dalabkii labaad ee ay gudbiyeen subixii
jimcaha oo ay kor u qaadeen lacagta ay bixinayaan ayaa lasoo aqbaly waana £ 9.5 million waxaana ku jira lacagtaas lacag ku xidhan guulaha uu ku hogaamiyo kooxda.
Slot oo ay raadinayeen kooxaha Tottenham iyo Chelsea xagaagii lasoo dhaafay ayaa guulo ku hogaamiyey kooxda uu hada maamulaha ka yahay ee Feynoord wxuuna u qaaday horyaalka dalka Holland sanadkii hore iyo horyaalakan oo uu u qaaday koobka labaad ee is dalkaasi.
Tababare Slot sidaas wuxuu ku noqday mid ka mida macalimiinta ugu horumarsan kubada Yurub abaal marinadii iyo amaantii uu ku helay ayaana ka dhigtay mid ay raadinayeen naadiyo badan oo rer Yurub ah kana dhigtay musharaxa ku haboon inuu badalo Macalin Klopp.